Maanso: Cilmibaa Daalacshay (Jiifto)

Maansadan waxa aan curiyey ku sinnaan 28/03/2006dii, waqti aan ka mid ahaa ardayda dugsiyada sare ee dalka, waxa aanay ka hadlaysaa hor-u-marka uu keenay cilmigu, iyada oo ku halqabsanaysa aalado badan oo saamayn badan ku keenay adduunka, kuwaasi oo guud ahaantoodba uu cilmigu daaha ka rogey. Waxay tidhi maansadu:-

Kolka onkod dayaamee

Hillaacuna ka daba dhaco

Ayay daruurtu curataa

Dabadeed xareediyo

Dhulka doog uu qariyaa

Dhirtu manka daahiyo

Ubax ay la dakaantaa

Duunyadu gaddeedii

Dihataa dhashiiyoo

Dambarkeed la maalaa

Dadku ay harraadkii

Daalkii kaliileed

Diiftii jiilaalkiyo

Daranyadii illoobaan

Dhallinyartu dalxiisiyo

Damaashaad cayaariyo

Aroos isu diyaarshaan

Diinkiyo afarlaydiyo

Inta diif la suurtaa

Dib u soo dareeraan

Anna waxaan daliishaa

Tiriyaa darseeyaa

Maansada ku diriraa

Sida roobka dayreed

Damdamlaynta onkodkiyo

U garaacaa danabbada

Marka dareen I shada uu

Dubaaqay galaayuu

Uurkay dubtaayuu

Muddo badan I daashado

Afartaas darseeyaye

Digo-rogodna waxan adhi

 

Diyaarada samadiyo

Daruurahaas korkeenniyo

Dul dawaafa haaddee

Galingalin u duulee

Dunidaba dhammaanteed

Daqiiqado ku koobiyo

 

Maraakiib dabbaashoo

Badahaas dushoodiyo

Owshinis dakeeyoo

Sida daruur kaliileed

Danankooda meel dheer

Dadku uga dheg taagoo

Dakadaha wax keeniyo

 

Dawadaa la hindisee

Cudurrada dilaagee

Nafta diiqad galiyee

Sida daafka amma xabbad

Amma duray la eediyo

Baryo qaar daacuunkii

Dadku ay u le’deen

Dabarrada u goysiyo

 

Hubka nooca dananee

Darandoorri dhaca ee

Dam ka siiyay nagasaak

Hirooshiima dumiyee

Ciraaq lagu duqeeyee

Falas loogu daw galay

Dunidaba idleeyee

Awood lagu daneeyiyo

 

Taarkaa la dirayee

Daallo ruuxa joogaa

Landhan kiisa daggan uu

Degdeg uugu baaqee

Qol siduu la dagganyahay

Sirtii uu dedaayiyo

Danihiis u sheegtee

Qabyo tiray dantiisiyo

 

 

Dayax-gacmeed korkeenniyo

Loo diray samada oo

Dunidaas sarreetaba

Ku soo maray dalxiisoo

Daalacday dhulkeenniyo

Guudkiisa dayaxoo

Xiddigaha darseeyoo

Soo daliishay meeriyo

Dhulal kaloo la daga oo

Dardar loogu jira iyo

Afartaas darseeyaye

Digo-rogodna waxan idhi

 

Halyey diirran dooloow

Intaa aan daliishiyo

Dabin dhowr kaleetaba

Daaha waxa ka rogayee

Daalacshay wuxuu yay

Cilmi daacad lagu sabay

Lagu doojay garashada

Dib-u-dhaca shilkiisiyo

Daldaloolladiisiyo

Laga jiray dammiinnimo

Oo ay dulaab iyo

Baroofaysar daacadi

Inta ay darseeyeen

Muddo ay ku daaleen

Hor-u-markan daa’imay

Dadka ugu horseedeen.

 

Ugu dambayna maansada

Aan soo dabbaaloon

Ku soo xidho dardaarane

Dulaabtayda wacaniyo

Ardaydii dhulkaygay

Dadkeennaa idlaadee

Ku dhex daatay badahee

Daranyada bastoodiyo

Aan daryeello bulshadiyo

Dalka ho-u-markiisee

Dadaal weeyi summadeen.

 

Curinta: Khadar Xuseen Daahir (Hayl).

Guddoomiyaha Bahda Hal-abuurka iyo Qoraalka (Hal-qor).