Maxaa kala qabsaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland & IPHONE-ka? Warbixin Xiiso badan

Hargeysa(Aftahannews):- Goobtu waxay ahayd Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa. Waxa ka socday Shir ay ka qeybgalayeen Maayarada dalku, waxa laga wada hadlayay qiimeynta mashruuca lagu magacaabo JPLG, oo ay hay’adda UN-habitat ka wado magaalooyinka qaarkood.

Waxay ahayd furitaankii shirka, waxa lagu maamusay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Markii uu soo galay hoolkii shirka, wuxuu fadhiistay bartii maamuus ahaan loo qorsheeyay.

Hareeraha waxa ka fadhiyay Wasiiro. waxa markaa hadlayay Maayer ka mid ah Maayerrada shirka ka qeybgalayay oo hadalkiisaa cod baahiyaha ka socdey. Hase-yeeshe, Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa si kedis ah u jaleecay dhinac kale, Baaq yeedhma ahna raaciyay. Isaga iyo Wasiirrada kale waxay soo hor fadhiyeen shirweynaha. Waa la iska soo hor-jeeday, marka xarakaadkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa ka qeybgalayaasha shirku badi ishay ku hayeen.

Wuxuu u eekaa qof degdegsan, oo aan ku xasilin kursiga uu ku fadhiyay. Intuu jaleecay Maayarkii khudbada waday, ayuu hadana dhanka kale u jeestay, oo uu u gacan-haadiyay, mid ka mida dadkii la socday oo meel kale fadhiyay. Wuu soo kacay, wuxuu soo laad-laadsaday kamarad uu gacanta ku sitay, kadibna intuu foorarsaday ayuu dhegta u dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka, si uu qumaati ugu maqlo waxa uu ugu yeedhay.

Madaxweyne kuxigeenku waxa uu gacanta ku heystay Telefoonka nooca loo yaqaano I phone-ka. Intuu u dhiibay wiilkii uu u yeedhay ayuu ku yidhi sawir nagaga qaad. Wuxuu ka qaaday Telefoonkii Kamaradii uu gacanta ku sitayna jeebka ayuu gashaday. Wuxuu istaagay wejigoodii, dhabarkana waxa uu u jeediyay ka qeybgalayaasha kale ee shirka oo fadhiyay ka soo horjeedka miiskii Madaxweyne Kuxigeenka iyo wasiiradu fadhiyeen.

Ninkii telefoonka loo dhiibay wuxuu fidiyay gacmihiisa si uu sawirka uga qaado. Wuxuu qaaday sawirkii,balse Madaxweyne kuxigeenka ayaa weedh degdega ugu jawaabay sawir-qaadihii: “Telefoonka waad qaloocisaye, intaad sinto naga qaad sawir kale”.Ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenku.

Sawir-qaadihiina sidii buu yeelay, oo uu ku celiyay, markuu ka qaadayna, wuxuu u dhaqaaqay dhicii uu madaxweyne kuxigeenku fadhiyay, dabadeedna wuxuu u dhiibay IPHONE-kii uu sawirada kaga qaaday, oo awalba uu madaxweyne kuxigeenku sitay. Kamarado wax lagu sawiro iyo dad saxaafadda ka socday way joogeen goobta.

Sawirro badan oo shirkaa ku saabsana waa la qaaday. Dabcan waa madaxweyne kuxigeenkii oo waxa laga qaaday kuwii ugu badnaa, balse wuxuu u eekaa inaanay u muuqan kuwaas. Intii dareenka la socotay waxay is-weydiinayeen su’aalo la xidhiidhay ficilka madaxweyne kuxigeenka.

Waayo shir-baa loo fadhiyay, hadal ayaa socday loo baahna inuu dhageysto madaxweyne kuxigeenku, si uu khudbadiisa uu qodob ugu helo. Laakin shirka dhexdiisi ayuu u dhaqmay si kale, sababtoo ah haddii aad ka fursan-weydo sawirada noocaas oo kale ah waxa la iska qaada markaad hawsha aad u tagtay aad dhameysato,balse haday hawshii aad u tagtay ay kaa jeediyaan, waxaad u muuqanaysa, masuul tagay meel aanu xiise u qabin.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.