Dhismaha Waddooyinku Waa min Qiyaaska Horumarka dalka

AN-Wadamada Aduunku waxay horu mariyeen wadooyinka taasina waxay keentay in ay dhianackasta ka horu maraan oo soo jiidata cid kasta oo timaada dalkaa oohalkaa ka shidaal qaadata.

Hadaba aan u soo noqdo Mawduu caygan ah dhismaha wadooyinka ee dalkeena oo muhiimah loona baahan yahay ooMarkii hore inaga haysatay wada xumo ayaa xukuumada hada talada haysaa ay waxbadan ka qabatay wadooyinkaas sida Biriishka shacabka , wadada madaxtooyada , wadada dila ilaa Boorama, wadada Hargaysa ilaa berbera oo iminka dibu habayn ay ka socoto iyadoo madaxweynahuna dhagax dhigay.Jidka

Wadada Burco ilaa Ceerigaabo oo loo ururinayo qaadhaan hada , Dawalduna ay dhaqaale ahaan dhianceeda Kabixinayso .
Waxa inala gudboon inagana shicib ahaan in kaalin mugleh aynu ka qayb qaadano oo qayb laxaad leh kaciyaarno oo wadadaas iyo dhamaan wadooyinka kale ee Somaliland ee Gobolada oo idilna laga wada qayb Qaaato oo la sooceliyo in lasameeyo Iskaa waxuqbso si wax kasta oo Qaranku ubaahanyahay u taabo galo sisahlan oo loo helo dhaman kaaba yaasha dhaqaalaha ee lama huraanka u ah nolosha.

Waa in markasta marba wax laqabtaa si loo gaadho himilada Qarankani leeyahay , Wadooyinka hadii loo soo jeesto waxbadan baa inoo sahlanaa naya oo si fudud loogaa dhayaa sida ,Xoolaha, Cadka , Caanaha ,Dalaga Beeraha kasoo go a iyo in ay sahlanaato isu socodka magaalo iyo miyiba.

Waxaan kusoo gaba gabaynayaa mawduucaygan gamco wadajirbay waxku gooyaan.Geesi ILAAHAY maxilo utaagan dhismaha dalkiisa ,waxa cadow dilaa waa isku duubnida
Axmed Jaamac Gahayr ( QALINMAAL GROUP)