Fashilaadda TELESOM iyo Fallaadhaha Cabashada Shacabka!

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa ceebawday, isla markaana ku fashilantay inay dadweynaha ku dhaqan guud ahaan dalka Somaliland ku wadahadli karaan Taleefankeeda, ka dib markii ay Saacadda Afrikada Bari, gaar ahaan magaalada Hargeysa gaadhay toddobadii habeennimo ee caawa oo la ogaaday inay tahay Ciid, taasoo ay dadweynuhu caqabad iyo dhibaato ballaadhan kala kulmeen Yoomal-faraxa oo inta badan dadku filayey inay Salaasada noqon doonto.

Shirkadda TELESOM ayaa ah Shirkadda ugu ballaadhan dhinaca Isgaadhsiinta wadahadalka ama Taleefanka ee ay dadweynaha ugu badani sitaan Kaadhkeeda lagu isticmaalo Taleefannada Gacanta ee ay Bulshada Somaliland ku dhaqani ku wada xidhiidho, isla markaana ay ka isticmaalaan Adeegga loo yaqaanno Zaad Sarvice ee Xawilaadda Lacagaha Taleefanka gacanta (Mobile-ka) la isugu diro.

Hase-yeeshee, waxay TELESOM caawa ku fashilantay inay shaqeeyaan Adeegyadeeda wadadahadalka Taleefanka iyo Xawilaadda Lacagta Taleefanka, taasoo ay dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Somaliland caawa kala kulmeen caqabad baahsan, ka dib markii ay u shaqayn waayeen adeegyadaas oo dad badan Xaqal-Ciidkoodii, kii Carruurtooda, Xaafadaha iyo Eheladuba kaga xidhnayd Taleefanka Telesom oo qaarkoodna ay Lacagtu Zaadka kaga jirtay, qaarkoodna ay kaga xidhnayd inay Cid kale oo ay Rabeen inay la hadlaan oo ay u soo diraan ama meel wax ugu sheegaan. Kuwaasoo karhay isticmaalka Adeegga TELESOM ee Taleefanka iyo Zaad-ka.

Inkasta oo uu Adeegga Zaad markii dambe shaqeeyey oo wixii Zaad ku jira la isu diri karayey, haddana waxa meesha ka baxsan oo aan weli xal sax ah loo helin wadahadalka Taleefanka Khadka Shirkadda Telesom. Waxaanay dadweynaha ku dhibaatoobay adeegsiga Taleefanka Khadka Shirkadda TELESOM qaarkood u warrameen Weriyeyaasha Aftahannews qaarkood.

“Caawa Caqabaddii ugu weynayd ee Yoomal-faraxaa aan la kulmaa waxay ahayd markiii ay shaqayn waayeen Taleefannada Khadka Telesom ee inta badan Bulshadeennu u isticmaasho xidhiidhkooda oo uu igaga xidhnaa Xaqal-Ciidkii Carruurta iyo eheladuba oo aan ka sugayey qof kale oo qorshuhu ahaa inaannu caawa wadahadalno ama aan la hadlo hadday Ciid noqoto haddii ay noqon waydana Berri aannu wadahadalno haddii ILLAAHAY yidhaahdo, Carruurtii ayaa iigu daran oo xilligaa Taleefankaa aan baxaynin iiga bilaa Ciid ah.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Caqabadda weyn kala kulmay Adeegsiga Taleefanka TELESOM.

“Maaddaama oo aan si rasmi ah loo siicaydayn inay Isniinta Berri tahay Ciid oo ka mid ah labada Ciidood ee Islaamka u gaarka ah ee inaynu faraxno haddaynu Muslimiinta nahay ay waajib innagu tahay oo ah maalin wayn oo khayr badanina ku jiro, haddana waxa aniga iga jiidhay caawa oo Ciidda Allaah igama khalkhaliyee naga khalkhaliyey aniga iyo Qoyskaygaba Taleefanka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo ku fashilantay inay Kaadhkeeda lagu isticmaalo Taleefannada gacanta lagu wadahadli karo, iyadoo innoo ahayd ama aynu u haysannay Shirkadda ugu awoodda badan dhinaca Isgaadhsiinta Taleefanka Mobile-ka (Taleefanka gacanta) ee lagu isticmaalo Kaadhkeeda.” Sidaa waxa yidhi Saleebaan Cabdi oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa ee dhibaatadu ka qabsatay Kaadhka taleefanka gacanta lagu isticmaalo ee Shirkadda TELESOM.

Waxaanu Saleebaan intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Weliba kaligayo maaha ee Boqollaal ama Kumannaan dadweynaha reer Somaliland ah ayaa caawa Carruurtoodu u Ciid beelaysaa wadahadalka Taleefannada lagu isticmaalo Khadka (Kaadhka) Shirkadda TELESOM, waxaanan u arkaa cilladdu way iman kartaaye inay tani tahay masuuliyad-darro ay sameeyeen Masuuliyiinta iyo Farsamo-yaqaannada Shirkadda Isgaadhsisinteenna Taleefannada ugu weyn ee TELESOM, waana ceeb inay caawa oo ah Habeen Farxadeed sidaas oo kale u gasho dadweynaha reer Somaliland ee Taleefankeeda adeegsada, waxaanan leeyahay waxaas oo kale waa inay ka waantoowdo TELESOM.”

Sidoo kale, waxay Weriyeyaasha ka tirsan Shabakadda wararka ee Aftahannews Suuqyada kala duwan ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa kula kulmeen dad badan oo isugu jiray Rag iyo Haween, kuwaasoo qaarkood ay Carruurtooda keeneen Suuqyada si maaddaama oo ay Caawa Ciid tahay goor hore Carruurta ugu iibiyaan Dharka Ciidda iyo waxyaabaha ay ku ciyaaraan marka Suuqa yimi, si ay hawshaas u galaan marka Lacagta ay sugayaan loogu soo diro Taleefannadooda gacanta ee ay ku Isticmaalaan Kaadhka Shirkadda TELESOM, kuwaasoo intooda badan ka muraara-dillaacsanaa xannibaadda ku timi inay hadli karaan si loogu soo xawilo Lacagta ay sugayaan Taleefannadooda qaybta Zaad-ka, kuwaasoo illaa mar dhawayd ku xayirnaa Suuqyada Ganacsiga dharka ee magaalada Hargeysa.

“Aniga waadigaa arkaya Xataa Carruurtaydii ayaan soo kaxeeyey si aan dharka ugu iibiyo maaddaama oo aan markii hore ku talo-galay inaan Isniinta Berri haddii ILLAAHAY yidhaahdo ugu iibiyo, balse Amarka Allaah waatan caawa noqotay Ciid, markaa Lacagta Taleefankaygan gacanta ayaa la iigu soo dirayey caawa ahaan, markaa waxaan is-idhi inta lacagtu ku soo gaadhayso dharka u sii xul carruurta, balse nasiib-darro waadigaa arkaya.” Sidaa waxa tidhi Hooyo Carruurteeda keentay Suuqa Bacadlaha Waaheen ee magaalada Hargeysa oo u warrantay Weriye Aftahannews ka tirsan oo halkaas kula kulmay.

Waxaanay Hooyo Deeqa Cali oo hadalkeeda sii wadataa waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Lacagtina imay soo gaadhiin, Taleefankiina kuma hadli karo oo qofkaan ka sugayey lama hadli karo, haddaan Carruurta guriga ku celin lahaana waxaan isleeyahay oo aan weli rejaynaynaa in Khadka Shirkadda TELESOM ee aynu sidannaa hagaago, markaa bal waan raajicin illaa 12-ka in wax iska beddelaan, hadday iska beddeli waayaanna dee waan iska celin Carruurta oo Caafimaad ku ciida ayaan odhan inkasta oo aanay Carruurta waxaasi marin oo ay maalintoodii tahay.”

Inkasta oo aanay suurgal ahayn inaannu Taleefanka TELESOM kula xidhiidhi karno meelnaba, haddana waxa noo suuragashay inaannu dadka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland qaarkood kula xidhiidhno adeegga Isgaadhsiinta Internet-ka ee Shabakadda Facebook oo aannu wax ka weydiinno sida adeegga Taleefanka Telesom ka yahay magaalooyinkaas, waxaanay Aftahannews u xaqiijiyeen in caqabadda iyo xannibaaddu magaalooyinkooda ka jirto oo aanay Taleefannada Khadka TELESOM ka shaqaynaynin, taasina ay caqabad ku tahay dadkii hawlaha Ciidul-fidrigu kaga xidhnaa.

Maaha markii ugu horreysay ee Adeegga Isgaadhsiineed ee Shirkadda TELESOM uu sidan oo kale u khalkhalo, hase-yeeshee, marar badan oo hore ayay dhacday in Adeegga Zaad ee Xawilaadda Lacagta Taleefanka Gacanta iyo ku hadalka Kaadhkeeduba uu sidan oo kale noqday, iyaga oo Masuuliyiinta Shirkadduna marka wax laga weydiiya ku dooda in Istcimaalka Adeeggoodu fara batay, ama ay cillad kooban oo laga shaqaynayaa jirto, balse waxay taasi muujinaysaa inay jirto iska xil-saarid la’aan iyo masuuliyad-darro ka muuqata Madaxda iyo Hawladeennada Shirkadda TELESOM oo ay iyada u fiican tahay inay adeeggeeda hagaajiso, maaddaama oo ay haysato Macmiisha ugu tirada badan dalka Somaliland ee isticmaala Adeegyadeeda Taleefanka gacanta ee Zaadka iyo wadahadalka-ba.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.