“Waa Lay Damqayaaye Inaan Hadlo Maan Doonaynin..!” Saamiya Muuse

“Waa Lay Damqayaaye Inaan Hadlo Maan Doonaynin..!” Saamiya Muuse Wakiilka Somaliland u joogta Finland

Anigu qaran dhan ayaan matalayaa oo aan magaciisa huwanahay, ama warqad ha la igu magacaabo ama digreeto, labadaba waxaa ka horeeya waa qofnimadayda, damiirkayga, aqoontayda, kartidayda iyo magacayga..

Xilkan aan sido ee qaranimo kumaan helin reernimo iyo ehelnimo, oo Caaqil , Suldaan iyo Qabiil imay siiniin, laakin waxaan ku helay waa dareenka jacalka dalkayga iyo dadkayga Somaliland ee aan u qabo, oo tacab iyo maal ayaan sannado badan galiyay oo waan u soo samray inaan heerkaa soo gaadho taas oo ay micnaheedu tahay: xilka anaa sameeyay ee xilku aniga magac iimu samaynin, iyada oo aanay cidina igacan qabanin oo garab iyo hiilna aanan ka helin, aniga oo waliba Qurbe ku dhashay oo qurbe kale ku noolahay oo Somaliland iigu horeysay inaan booqdo oo aan arko 2015…!

Xafiiska Somaliland ee Finland aniga ayaa diiwaan galiyay, qalabeeyay oo waliba kafaalad qaaday inoo furnaado inta aan noolahay sidoo ilaahay noloshayda iyo naftaydaba oo u ka faalad qaaday.

Hadaba aniga oo birmagayda ah oo muwaadinad reer Somaliland ah, uma dulqaadan Karo in dumarnimo laygu cago juglayo, laygu awood sheegto oo laygu cabudhiyo aniga oo u dadaalaya dalkayga iyo dadkaygaba oo daacad ogu shaqayenaya hadh iyo habeen, oo magacoodi iyo sharaftoodi huwan in oo wakiil Somaliland ah oo aano isku xil qaranka u hayno oo Europe ila jooga inoo faro galin Qaawan isaga iyo rag lamida ihi ay ii gaystaan iyaga oo shaadh qabiil ii adagysanaya…!

Somaliland jacaylkeeda iyo u adeegeeda cidna anigu u daba fadhiisan maayo waayo waa waajib saaran qof walba oo micnaha Wadaniyada iyo xaqa wadanku oo ku leeyahay yaqaana…! Xilkeedana anaa iso diray kii i jecel iyo kii i neceba Somaliland waa dalkaygii, dadkaygii iyo ciidaydii oo waligayna waan u shaqyen doona oo waan u adeegayaa inta aan noolahay xil iyo xil la’aanba…!

Talo waxa iga ah ragga waaweyn ee aan la hadlay oo hadalgaygu ku socdo:

Nin waliba gabadh wuu dhalay waano qaba waanay dhashay waanay kula dhalatay ee gobta xeeka lagu yahay waligiin ha baal marina, beri waxay noqon mooye…! Qaranka ayaa idin ka baahan wakhtiga aad ku luminaysaan qof carqaladiisa…!

Samia Muse – Wakiilka Somaliland ee Finland.