Yaa ah Ciidanka Qaranka? Qalinka Guuleed Daafac

Ciidanka Qaranka (National Army) waxa la yidhaahdaa militeriga Somaliland. Ciidamada kale magacyo kale ayay leeyihiin: ciidanka booliiska, ciidanka asluubta, ciidanka ilaalada xeebaha. Maanta waxa la xusayay maalinta Ciidanka Qaranka – militeriga – ayay ahayd. Matalan, booliiska maalin kale ayaa la xusaa.

In la fahmo kala duwanaanshaha ciidamadu waa muhiim waayo shaqadooda iyo dabeecadda ay u samaysan yihiin way kala duwan yihiin. Qodobka 123 ee Dastuurku waxa u sheegay “Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxa­bannaanida dalka.” Shaqadoodu waa difaaca dalka oo ay ka gaashaamaan cadow debedeed. Arimaha gudaha iyagu shaqo kuma laha mana gelli karaan. Waxa intaas u dheer sida dastuurku sheegay in marka lagu jiro xilliga xukunka degdegga ah si waafaqsan dastuurka la adeegsan karo. Waa marka keliya ee loo adeegsan karo xaalad gudaha ah. Inta kale shaqadaas iyagu door kuma laha.

Dastuurku waxa uu sii adkeeyey shaqada Ciidanka Qaranka oo waxa uu ku waajibiyay inay raacaan dastuurka dalka. Farqadda labaad ee qodobka 123 ayaa u dhigan sidan: “Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.”

Xagga dhismaha waxa uu dastuurku waajibiyay inuu noqdo mid ka kooban “dhammaan deegaannada Somaliland (123(4).

Iyada oo la xoojinayo awoodda shacabku leeyahay, waxa uu dastuurku hoos geeyey Ciidanka Qaranka qof shacab ah. Waxa farqadda 4aad ee qodobka 123 uu ka mamnuucay qof ciidan ah noocu doono ha noqdee inuu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga oo waxa uu dastuurku amray “Wasiirka Gaashaandhigga waa inuu ahaadaa muwaadin madani ah (Civilian).

Waa waxa loo yaqaan in muwaadin madani ahi xukumo ciidanka (civilian rule over the military).

Xagga fullinta sharciga (law enforcement) iyo ilaalinta kala danbaynta (public order) waxa u xilsaaran Booliiska iyo ciidamada kale ee la dabeecadda ah sida Ciidanka Ilaalada Xeebaha.

War doonka iyo hellidda xog sugan oo lagu go’aan qaato waxa u xilsaaran Hay’adda Sirdoonka oo sharci ahaan aan ahayn ciidan ee ah hay’ad xog doon oo aan lahayn awood sharci fulineed.

Ciidanka Ilaalada Xabsiyadu sharcina ma fuliyaan difaac debedeedna uma xilsaarna ee waxa ay ku hawllan yihiin ilaalinta amaanka dadka rumaan ahaan u xidhan iyo ‘dhaqan cellinta’ dadka maxkamadi xukunto.

Sidaas bay u kala duwan yihiin oo ay tahay in mid waliba ku eekaato waxa loo dirtay awoodana inay saarto shaqada laga rabo.

Matalan in qof Sirdoon ahi cid xidho waa sharci jebin iyo gardarro. Xogta tuhun dembi ee ay qabaan waa inay la wadaagaan Booliiska oo ah cidda leh fullinta sharciga (law enforcment agency). Haddii sirdoonku ku mashquulo qof xidh waxa baylahaysa shaqada ay u diran yihiin ee ah doonista xog cilmiyaysan sugan oo dalka anfacda dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, caafimaad ahaan, siyaasad iyo wax kale oo badan.

Waxyaabaha dastuurku mamnuucay waxa ka mid ah in dadka lagu xidho meel aan sharci jidayn. Cid aan ahayn hay’ad sharci fulineed iyo asluubta oo qof meel ku hayn kartaa ma jirto.

Sannad guuro wacan.

Waxa Qoray Garyaqaan Guuleed  Axmed  Jaamac (Daafac).