Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo ee uu la Wadaago Canfarta iyo Oromada!

Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo ee uu la Wadaago Canfarta iyo Oromada! Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Xidhiidhka la-yaabka leh ee Afafka Kushitigga ka dhexeeya waxa aad ka garan garan kartaa isu ekaanshaha tirada tirsiimo ee Soomaaliga, Oromada iyo Canfariga. Bal eeg sida ay isu waafaqaan.

Soomaali Oromo
Laba lama
Saddex saddih
Afar afur
Shan shan
Lix lih
Toddoba torba.

Marka la sii badiyana waxa ay Oromadu tidhaahdaa: Lama=Lamaatam,
Saddih=Soddom,
Afur= Afartam,
Shan= Shatam. Haddii ay 5ta yidhaahdeen shan, kontonkana waxa ay yidhaahdeen shatam.

Si la mid ah Soomaalidana:
laba= labaatan,
saddex= soddon,
afar=afartan,
Soomaalidu maxaa aay 5 u tidhi shan, 50kana u tidhi konton?

Canfarta ayaa 5ta u taqaan Koone, 50kana u taqaan Kontom. Halkaa waxa aad arkaysaa in aynu tirada “shan” kala midnahay Oromada, halka tirada “konton” aynu ka waafaqnay Canfarta. Miyaanay ahayn wax haddii loo fiirsado la dhaadi karo?