Ma arrin Maxkamad Hortaalla ayay Qareenno Daraasad iyo Jawaab ka soo saari karaan? Garyaqaan M. Bacalluul

Taas ayaa sharci-jabin ah, waliba mid badheedh ah oo dan laga leeyahay. Qareennadu in ay dacwadda ku matalaan dhinacyada is-haya oo ay dooddooda ka dhex dhiibtaan maxkamadda ayay ahayd, in ay warsaxaafadeed dadka la hor yimaadaan runtii waa mid ka baxsan habraacii dacwadaha iyo garsoorka, iyaga oo og in aanay maxkamaddii ay arrintu hortaallay aaanay illaa imika arrintaasi go’aan ka soo saarin.

Halkee ayay ka keeneen awoodda ay ku odhan karaan niman qareenno ah oo bannaanka iska jooga oo aan dacwad ku jirin in ay dhinac dacwad furtay ku yidhaahdaan, ‘la noqo dacwaddaadii’? Ma talo ayaa la weydiistay nimankan, go’aan maxkamadeed ayaabay dhinacyadu u fadhiyeen ma talo ayaa meesha taalla?
Ururkii Qareennadu ma idaacad lagu shaqeysto ayuu noqday? Dacwadda halala noqdo iyo wixii la isku hayay (merit of the case) ayaa haddana laga jawaabayaa, xaggay iska qabataa?
Haddii ay Maxkamaddu ay tallaabo ka qaadi waydo, waxan u fahmayaa in ay xukunkeedii usoo dhiibtay, oo ay waxaas ay Ku hadleen iyo wax aan dhaamin ay dadka la hor iman doonto.

Xusuusnow: Su’aasha la isku hayaa ee jawaabtu u baahan waa ”Xeerka 14-ka la isku hayaa, ma dhaqangalbaa saacaddan misa ma aha?”. Haa iyo Maya sababaysan, labada midkood ayaa laga rabaa. Waana halka ay kala taaganyihiin dhinacyadu. Doorashooyin iyo hawlo kale maxkamadda looma diran, iyo fadhiyada uu goluhu qabsan doono, shaqadeedana ma aha. In ay isku qaaddo, wax aan loo diranna lagama filayo, oo aan ku jirin dulucda ay ka garnaqayso.

Waxa Qoray Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi (Bacalluul).