Horta Yaa Diiddan in Ururrada la Furo, iyadoo la Raacayo Xeer LB 14? W/Q – Cali-guray

Cali-gurey
Cali-gurey

Sannadkan Somaliland waxa ku soo fool leh sadex doorasho sanadkan 2022ka. Hadii sadexduba ay wakhtiyadooda ku qabsoomi karaan waa guul aanay Somaliland hore u soo marin hadii daacad laga yahay oo ay run tahay sidii uu ballan qaaday Madaxwayne Muuse in la qabanayo weliba mid waliba ay wakhtigeeda ku qabsoomi karto sida ay u kala horeeyanna loo kala hor qabanayo.

Cali-gurey
Cali-gurey

Waxa ugu horaysa DOORASHADA GUURTIDA oo laga yaabo in aanay noqon doorasho toos ah ee noqon doonto doorasho dadaban oo aanay xisbiyadu kaalin ku lahayn sida aan filayo hadii ay run tahay oo Madaxwayne Muuse ay ka go’an tahay waxay noqon doorashadii labaad ee lagu soo doorto Xildhibaanada Golaha Guutida ee Somaliland ka qabsoonta markii labaad muddo 25 sanadood ah (97-2022). Runtii anigu guul wayn oo wax-ku-ool ah baan u arkaa hadii ay rumowdo

Doorashada labaad ee ku xigtaa waa Doorashada Madaxtooyada ee mudaysan 13 November 2022. Xaq waxa u leh in ay ku tartamaan mushariixiinta sadexda Xisbi Qaran oo shahaadadahoodu ay ansax yihiin ilaa 26 December.

Doorashada ku xigtaa waa doorashada ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururada siyaasaddu natiijadeedana ay ku soo bixi doonaan sadex xisbi qaran oo muddo 10 sanadood ah iyagu haysan doona masraxa siyaasadda Somaliland. Ururada Siyaasadana ciddii danaynaysaa waxay xaq u leedahay in ay furato lix bilood ka hor oo noqonaysa June 2022.

Waxa beryah dambe dhegaha dadwatnaha ka batay muran ku saabsan furista ururada waxanu ka dhashay hadal uu Wasiirka Warfaafintu isaga oo wakiil ka ah Madaxwaynaha uu yidhi bishii December 2021 “laga bilaabo hadda ururada siyaasadda waa fasax oo waa la furan karaa”, isaga oo runta og Xeer Lam. 14 ay ku caddahay goorta la furan karo oo ah June 2022. Markiiba hadalka wasiirka waxa gaashaanka ku dhuftay xisbiyada mucaaridka oo iyagu sheegay in warka uu sheegay wasiirku uu waxba kama jiraan yahay sharcigana baal marsan yahay. Marka ay sidaa tahay horta yaa diidan furista ururada?
Dad badan oo iska hadlayaal ah ayaa waxay warbaahinta caadiga ah iyo Baraha Bulshadaba wareejiyaan in xisbiyada mucaaridku ay yihiin kuwa iyagu diidan furista ururada? Runtiina cidda diidan in la furo ururadu iyadoo xeer Lam. 14 la raacayo maaha xisbiyada mucaaridka ee waa Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa hadii inta aan soo sheegay aanay been ahayn ee run tahay.
Dhinaca kale khilaafkan wuu ka hordhacay wakhtigiisii ee waa khilaaf inagu soo fool leh oo ugu fabaysta halka lagu socdaa aanay ahayn furista ururada balse waxa la isku hayaa uu yahay wax kale. Hadii aanay ahayn Doorashada Madaxtooyada in meeshaba laga saaro ku soconin wixii kaleba waa sahaale.

Waxa Qoray Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray).