Dhagaraha WADDANI: Dhabar-jebinta UCID, UMMADDA, XAQSOOR, UDUB iyo Dhitada KULMIYE!

Tacsi: Weligaaba qosol, adeer waxa aan kuu sheegayaa in aad tahay nin soo galay dhagaro badan oo aan u qalmin hoggaaminta qaranka Somaliland. Immisa dabin ayaad soo xidhay? Ma siyaasi aan guuldarraba urin ayaa Madaxweyne noqon kara?

complicated-300x131

u_61936d_2012-3-25-15-14-12f_IMAG00781

xarunta-dhexe

Tahniyad: Waan iska dhoolla caddeeyaa. Laakiin shaxda aan dego cid gunteeda gaadhi kartaa ma ay dhalan. Aniga oo hadhcad inqilaabay Siilaanyo oo xilka tirsaday ayaad arki. Miyaanad arag inta jago ee aan keligay maroorsaday Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee WADDANI, ahna Murashaxa aan lagula tartamin jagada madaxweyne iyo mulkiilaha qudha ee  xisbigaasi, ahna ninka xidhan kabihii madaxweyne ee lagu tolay shirweynihii beesha ugu tirada, tayada iyo taariikhda badan beesha dhexe.

Tacsi: Nin weyn oo khiyaamo ku faanaya maanta ayay ugub ii tahay! Weligaaba is-bogaadi. Ma tihid nin jeex ka gaadhaya murashixiinta KULMIYE iyo UCID. Dadku haddii ay si fiican u garanayaan qoolashaada, beri hore ayay kaa yaaci lahaayeen. Ta kale kabaha aad xidhan tahay ma kuwii Xamar lagu aadayay baa? 1957kii markii ay shireen odayaasha beeshaadu waxa ay soo saareen goaankii sababay ilduufkii ay Somaliland ku weyday xorriyaddeeda.

“Labada Xisbi ee SNL iyo NUF, waxa aanu raacaynnaa kii shuruud la’aan ugu biiraya Koonfur” ayay yidhaahdeen kaddib markii ay saddex iyo cisho shirayeen. Laakiin waad tihiin dad goba, oo sidii aad luminta qarannimada horseedka ugu ahaydeen ayaad halgankiina ugu mudnaydeen. Ma waxa aad filaysaa in aad hoggaamiye ku noqonayso shir kooban oo ay tolkaa abaabuleen. Ku taageero guulahaaga reebistii UMMADDA iyo SAHAN, Laalistii Murashaxnimada Warancadde, Dhambalkii UCID, caga-fadhiistii Dr Cali Yuusuf iyo Baashe Maxamed Faarax iyo daba-martayntii KULMIYE.

Tahniyad: Adigu waxa aan filayaa in aad tahay ninkii reer Hawd iyo Hargeysa Guuleed Xawaashe la odhan jiray ee dhex-galay nimanka ilmaadeerka ah (Beel-weynaha Galbeedka Burco). Waad ku dawakhi haddii aad faaqiddo danta aniga, Cali Warancadde, Wasiir Duur, Dr Gabboose, Siciid Sulub IKK aanu Daallo u dooyaysannay. Ha noqon sidii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhex cararay aniga iyo ninkii aan giimbaarta ku sheegay saaxiibkay, walaalkay Engineer Faysal Cali-Waraabe! Ilaahay ha iga dhaafo af-gembigii dhicisoobay ee aan ku kacay 25kii Julaay, 2011ka.

Tacsi; Samir iyo iimaan ayaan ku leeyahay. Adiga ayaa gawracay hankaagii hoggaamineed, mar haddii aad ku hal-qabsatay gabayo qabali ah. Weliba aad siyaasi reer Saaxil ah oo aad isku deegaan tihiin ka xigtaysatay mid reer Sallaxlay ah. Miyaanay oodi ab ka dhawayn? Ma adiga oo Sheekh iyo Go’da kala faquuqay ayaad Gaaroodi garab saaraysaa?.

Yaa kuu laqimay adeegsiga Silsiladdii Xaydha?. Dee haddaa iska adeegso gabayadii Cabdiraxmaan Warsame Baanje (Cabdi Gahayr), Yawle, Xasan Tarabbi, Faarax Nuur, Salaan Carrabay, Cali Jaamac Haabiil IKK. Adeerow afartii Madaxweyne ee Somaliland midna ma dooran ardaa, jilib, laf iyo beeli. Waad ku mahadsan tahay inaad reebtay Xisbigii UDUB ee uu aasaasay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Adeer bal horta aan ku toydo’e fadlan daaha iiga qaad dhawrkan hal-xidhaale

  • Sababma ayaad UCID ugu geli weyday ololaha aad WADDANI ku soo saartay oo kale? Ma hagrasho ayaa jirtay, mise hadimada Faysal ayaad jeclayd?
  • Sidee ayay Oodweyne iyo Sallaxley ula kala wareegi karaan Xisbi sheeganaya in uu dhex u yahay Somaliland? Ka warran haddii ay KULMIYE isku beddelaan Doqorshey iyo Garadag?
  • Ballankii aad ka saxeexdeen odayaasha Gaaroodi, waxa uu didiyay Gebiley, Balligubadle, Berbera, Caddaroosh, Ceel-afweyn IKK. Ma guul ayuu ahaa mise gedaafo?
  • Xisbiga ma ku wareejinaysaa Sheekh Maxamed Cali Geeddi, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Maayar Xuseen Maxamuud Jiciir IKK, haddii aad rabto inay WADDANI deegaankoodu noqdaan?
  • Hoggaanka Golaha Wakiillada waxa lahaa UCID, diyaar ma u tahay inaad xilkaa uga degto Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo keligii maanta la jooga UCID, intii kale adiga ayaa duufsaday.
  • Kursigaaga Golaha Wakiillada ma aad uga tanaasuli Baashe Maxamed Faarax si aynu WADDANIYAD u tusno damallada cidhifyada Somaliland
  • Ka warran haddii aad u dhiibto Af-hayeen Buubaa, illeen awalba waxa ku saaray isaga iyo reer Hargeysa. Si aad ugu madax-bannaanaato ololaha Madaxweyne-doonka
  • Sababma ayay xisbigaaga uga soo baxeen afar xildhibaan oo isku reer ahi, marka la joogo caasimadda Hargeysa? Ma waxa aad garan weyday inaad ku badhaxdo Xildhibaan Xasan Xaydh oo ka soo jeeda qoyska sheekhul-beledkii Hargeysa aasaasay
  • Adiga oo aan dhinacaagu marna dhulka baran, miyaad filaysaa inaad hawlyari ku noqonayso Imaamka Qasriga iyo Hagaha Qaranka?
  • Miyaanad ogayn in uu Xaaji Cabdi Waraabe yahay ninkii UDUB waddada ka mariyay shirguddoonka aad madaxda u tahay. Sababma ayaad ergadiisa u diidday markii aad isu doortay hoggaanka UCID? Waayo, maxaad dhegaha uga furaysatay waanwaantii Warancadde, Boqor Raabbi, Siciid Sulub IKK
  • Waxa la sheegay in aad weli ku xidhan tahay safaaraddii Soomaalida ee Moosko oo aad halkaas u dirtay qaraabo iyo xigaal badan, adiga oo u tahriibinaya inay Yurub aadaan. Weli ma xil ayaad ka haysaa Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Xamar? Immisa qof ayaad halkaas u dhoofisay adiga oo usoo saaraya dal-ku-gal ardaynimo?
  • Ahna, ahna, ahna, ahna,…….. waa astaamihii Kacaanka, casharradaas ma waxa aad ka hidde-raacaysaa Macallin Maxamed Siyaad Barre?
  • Heshiiska ay UCID iyo WADDANI galeen ee iskaashiga mucaaridnimo waxa saxeexay Guddoomiyaha oo qudha, miyaanad u baahnayn walaalnimada Jamaal Cali Xuseen? Mise isku dhufasho ayaad uga gol lahayd?
  • Maxaa muran geliyay kursiga Axmed Muummin Seed? Waa kuma murashaxa u tartamaya madaxweyne ku-xigeenka WADDANI? Adigase yaa kula loollamaya?
  • Horta waxa la yidhaahdaa Dagaalkii Darroor waxa ku lug lahayd siyaasad, adigu inta aad warka ku hayo kuma aad jirin ergadii deminta u ciidamay.

Kollay waxa aad tahay diblomaasi xog badan haya, yaa ka dambeeyay? Maxaa looga jeeday?

Bal hadda cabaar nagula naso heelladan mataanaha idinka dhigaysa adiga iyo Xisbiga KULMIYE 

 

Illaa hadihii dalkeennu hugmee

Hafeefta warmaa la hoomin jiraan

Hadaaq magacaa ku heesi jiree

Adoon hagranayn dalkeenna hubaal

Da’daa ku hadhaysay maad hafrinoo

Haddeer toddobaatan heego martoo

Siddeetan halbaa gu’ kaaga hadhee

Hoggaan-san dhisow halyeyga dalkow

Dhaqaale habayn haldoor curiyow

Hawaawi aqoonsi kii hidiyow

Ninkii higsigayga ii hirgashow

Shafiil hadhcad baan u heello tumee

Harraadka aqoonsi kii huq-tirow

 

Haddaad hakan layd kun jeer hambalyaan

Hagoog sharafeed hu’ kaaga dhigee

Haddeer nasa oo hayaan Iglanoo

Adoon hinqanayn darkii ku horaa

U heegan inuu hayaanka wade

Halyeyga Maroodi heedhe u dhiib

 

Walaw an hawaale kuu hinqadoo

U hooto xambaartay weedh i habtoo

Hammuun u jeclaa inaad hal-tidhaa

Hal-door Cukusaa i hoojiyayoo

Hoheey ballan-diid i hiifay kol oo

Hummaaggay aqoonsan oo hadrayoo

Halkeer waddadii halmaan kolkaan

Higgaadda tuseen u heensay inuu

Hagaag kulankeen u sii hollodoo

“Ka daadeg” huruuf isoo halacshee

Haaraanki ka giigay heelka qasroo

Haddaad hadalkuun ku haysan lahayd

Wax Hawd ku negaa dar haybad dhaqdee

Siday hadhacyiin dar aad hadhsataa

Hareerta dhankaaga noo hirdamoo

Hablaa ku guraaya jeel holcayoo

Intay huq falaan hadaafa dhulkoo

Hoheey UDUBTII Cigaal “hadh-gashaay”

Dardaaran hannaanshay waad hagratoo

Markay hanadkii heddiisu baxdaad

“Hayaay i boqraay, hungow ASADOW”

Hareerta ka keentay haaro dulmoo”

Adaa hirdankii daryeelka hidh-laad

Caddaalad habseeyay oo sidii halaqii

XAQSOORna harraati laad huwiyoo

Heshiisna la yeeshay kii u hudhee

Habkii giimbartii u “hoobta” yidhee

Danbaan halgamee ma heerin cidmee

“Habsaan Caliyow anoon ku hungayn

Ma haab-gelin maanta heelka ergee

Cabdow hantibaan xisaab hubiyoo

Hangool maqalkaan ku awday hoggoo

Halkaa Boqorow nin hayb wada’oo

Hareer iga raacay baad hadda tee

Garsoor hilinkii hammuun ku tebee

Hadaafa dadyow xaqaa hadlayee”

Markuu halis daaqo Xaaji hafrow

Kolkii hagardaamo hiil dalbadow

 

Khadar Maxamed Faarax

khadarmfr@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.