Duruufii Calankayga !

Filed under: Aragtida Bulshada |

:Maanso Waddani ah iyo Dabaaldegga 18 Mey.. Maansadan waxa uu  Siciid Maxamuud Gahayr,  kaga hadlayaa taariikhihii kala duwanaa ee soo wajahay calanka Somaliland sida ingiriiskii dalka haystay 1884 illaa 1960 iyo halgankii lala galay , koonfurtii lala midoobay 1960 illaa 1991 iyo hagardaamooyinkii laga la kulmay,iyo ugu danbayn dagaaladii qadhaadhaa ee calanka dib loogu helay, waa maanso dheer oo meelo badan taabanaysa,. waxa ay markii koowaad ka baxday idaacadda Radio Hargeysa 13kii Mey sannadkii 2005ta.

calanka Somaliland

tuducyadan  ayaanay ka koobantahay:

Inkastoo ay duniduba

Rug qudhoo la dego tahay

Way dacallo badantoo

Dadka qaar ba goob buu

Daayinkood ku uumoo

Ay kuna dambaabaan

Oo duunyadooda ah

 

Daw-dhaaf qof fala iyo

Daandaansi ruuxliyo

Dulmi lagama waayee

Dawladaha reer Yurub

Duullaanka culus iyo

Damaaciga kolkii ay

Dunidaba ku boobeen

Ee ay doobinaayeen

 

Delhi iyo Kalkaatiyo

Dahoomay Galbeed iyo

Riyo-diijineeriyo

Dalas iyo Amriikiyo

Sidhni Daarwin bari iyo

Dooxada Mambaasiyo

Doddoomada Tansaaniya

Daaraasalaam iyo

Delta Niilku leeyiyo

Aag Dimishiq tahay iyo

Dahraan iyo Kuwayt iyo

Dejla iyo Tehraan iyo

Akra iyo Dakaar iyo

Dhulka daafihiisaba

Markii ay degeeneey

Dusha sare ka haysteen

Dulligii gumaysiga

Markay daadihinayeen

Dadkeennii midaysnaa

Diin qudha ku wada jiray

Diirkiyo ushiisii

Dubka midab masaysnnaa

Dugulkiyo madawhaa

Afka hadal ku darishaa

Isku duubnidoodii

Way daciifiyeenoo

Dubcadlii gumaystuhu

Soomaali dalal iyo

Degelluu u qaybshoo

Badhba dawlad gaaraa

Damiin looga dhigayoo

Dabar loogu xidhayoo

Xadna loogu dayroo

“Dul ka maamul” lagu yidhi

 

Doco kala fadhiistoo

Diridhaba Itoobiya

Dikhil sheegay Faransiis

Koonfur waa la duufsaday

Waxa dafay Talyaaniga

Dadkaygiyo dhulkaygana

Daacuflii u weynaa

Ingiriis ayaa degay

Macdantiisa dihin iyo

Daldalaayay luulkana

 

Kolkaasuu Darwiishkina

Dugsi malaha gaalkuye

Ka damqaday xad-gudubkiyo

Dulinnimada Biritayn

Jihaad buu diyaarshoo

Dirir buu abaabulay

Koofil waa ki dooxee

Dul madoobe dhigayee

Ka dul tiriyay gabayada

Kolkii xigayna danabyaal

Jaamici digriilaa

Kufrigii dareershoo

Dawgiisi mariyoo

Idinka Alle dabadii

Iblayskii ku yidhi “duul”

 

Laakiin dedaalkaas

Lagu didiyay gaaladu

Wax ma tarin dadkiisee

Shay taas ka  sii daran

Dibiyaabu dhalay yaab

Calankiina daadays

Daad iyo jar buu maray

Intaan didiyay good baan

Dabiib mooday halaqoon

La darsoon la jaaroo

Intaan dayrshay riis baan

Mid kaloo ka sii daran

Maan korodhsan derejee

Ku aaminay dalkaygii

 

Kayn doog leh iyo maadh

Oo daristu simantoo

Nimco lagu dhex daaqoo

Sagal uu ku da”ayoo

Dayr cadka iyo ayradu

Doobbiyada ku buuxshaan

Oo khayr ku dihinyoo

Cudurada wax dila iyo

Durro idil ka aamina

Shay diiq abuurana

Indhahaagu daarayn

Oo daayin hibo iyo

Ku manaysaty deeqoo

U wanaagsan dunidaba

Bartaas baan il-duufoo

Dalandool waxaan tegay

Meel dacawo joogtoo

Duurjoogta gooshiyo

Dawri aar u xarunoo

Dinaddiyo shabeelkiyo

Waraabuhu daf uu yahay

Aan dirirka roobeed

Waayo iman dushoodoo

Dabadheer la riiqmoo

Ugaadha iyo deeradu

Socdaal ay dareereen

Ka dawaaftay cawshuna

 

Doocaanka malabeed

Caanaha durduurta leh

Intaan daadshay oon qubay

Yaan dacar qadhaadh iyo

Waabay an doontoon

Dakhar baday naftaydoon

Ku doorsaday samaan xumo

 

Intaan dawlad wacan iyo

Doorasho xalaaloo

Dadku uu codeeyoo

Qof kastaaba dookhii

Ikhtiyaar la darisyahay

Iyo maamul doorloo

Danahaaga dhawraan

Dayacoon fogeeyoon

Dawo mooday nacaboon

Digtaatooriyaad iyo

Rajiim darayo weyn loo

Shacbigaba dullaystoo

Danahiisa dhawrtoo

Ku durduriya uunkoo

Xuquuqda dumiyoo

Heeryana dul saartoo

Kaligii digleeyoo

Aan diir naxaynoo

Naxariisna duugoo

Sun noo sii diyaarshaan

Degellkiisi ugu tegay

 

Tixdaydaas daboolka leh

Duur xulkiyo tilmaantaas

Daaha aan ka qaadoon

Daliishoon caddeeyee

Dacartaas an sheegiyo

Dabadheer abaartaas

Digtaatooriyaadkaas

You must be logged in to post a comment Login