“Oo Maa Askari Bilaysba La Qoro?” W/Q: Mohamed Ahmed Abdi

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha |
Bilaysku dib ha ugu ku noqdo qaabka ay u qaataan askarta da’da yar. Yaan midkasta oo dugsi waxbarasho lagala quusto, ama farsamo kale baran waaya bilaysku qoranin. Yaanay noqonin tiin-kii qashinka (dust bin) ee waxa laga quusto lagu soo tuuro. Falalka tacaddigu kama yimaaddo bilayska inta waayeeshay iyo inta tixraac hore oo waxbarasho leh. Waxa uu ka dhacaa intiisa badani kureyda yar-yar ee xal ahaan looga dhigay bileyska.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Bulshadeennu waxay tidhaahdaa mid kasta oo caalwaa noqda ama faraha-laga-qaad noqda ‘miyaa askariba la qoro’. Markaa aragtida noocaas ah ee bulshadana wax ha laga baddalo, oo hala fahamsiiyo in ay Bileysnimadu tahay xirfad iyo aqoon la barto [professionalism] oo aanay ahayn wax hawl yar oo u baahan qori la qaato iyo kabo waaweyn oo qadha ah. Midkasta oo laga quusto haddii aynu odhanno askari nooga dhiga, dee innagaa is-dhibnay haddii ay hadhaw kaas wax inagaga soo noqdaan.
Walaw ay duruufo badan ku gadaamanyihiin ciidanka oo ay u dhabar adeygaan, haddana waa in xirfad ahaan askariga lagu toobabaro hababka la isku xakameeyo [stress management]. Waa in aanay sida qofka caadiga ah uga falcelin xaaladaha ay la kulmaan. Bulshadan ay u adeegayaan noocwalba wey leedahay mid qalloocan, mid caadifad ahaan nugul oo cadho ama naxdinba u dhiman kara, iyo midkalaba. Markaa in askarigu caadifad iyo cadho qaadday darteed waxyeello u geysto ma aha. Amaba in uu awood ku dayo arrin yar oo uu si deggan uu u maareyn karo.
Habdhaqanka is-qabasho la’aanta bileyska marka uu qof shicib ah iyo mid bilays ahi isku dhacaanna ha laga waantoobo. Waa in la joojiyo habdhaqanka isku-hiilinta ee qofka shicibka ah ay tobanka askari ku dagayaan. Taasi oo ay in badan shicibku arkeen amaba la kulmeen.
Arrintan kuwada-dagista qofku waa habdhaqan fuleynimo ah. Macnaheeduna waa aynu ka sinnaano oo yaanay midkeen arrintu ku kaliyaysan. Taasaa keenta in qofka sidii mas guri soo galay loo wada dilo. In la iskugu-tago qof aan khatar badan laga fileyn waxa keenaya waa laba mid uun, 1] in loo baqayo askariga ay marka hore isku dhaceen qofka shicibka ah in kaligii tallaabo hadhaw laga qaado; 2] in loo baqayo askarigaasi in hadhaw kaligii bannaanada laga bartilmaameedsado [maadaamo oo ay bulshadeennu tahay in kooban oo is wada taqaanna ama hal suuq kulmiyo].
Arrimahaasina waa la maareyn karaa, oo xal sii ahaan meyso in qofka la wada gacan saaro. Bulsho iyo askarba waa la is fahamsiin karaa. Halkan ay imika u muuqato in ay isku yihiin dab iyo baaruud. Taasina waxay u baahantahay garaad-dhisid. Waxaan xasuustaa in beryihii aan dugsiyadii dhexe iyo sareba aanu dhigan jirnay ay mar-mar bilays direys gashani ay kalaaska si lama filaan ah daf noogu soo odhan jireen. Waa lana istaajin jirey si ay mid baas oo ay daba socdaan nooga dhex baadhaan. Nimankaasi kalaas kalaas ayay dugsiga u dhex mari jireen. Askartaasi lama hadli jiriin ardayda, hordhac kamay siin waxa ay qabtaan ama ay ujeedadoodu tahay, ugu yaraan iyaga oo dhoola caddeynaya ‘is-dajiya’ may odhan jirin. Iyaga oo aad mooddo kuwii la yidhi ehlu-naarkaa aakhiraa loo dalbadaa oo giir iska kicinaya ayay saf-saf noo dhexmari jireen anaga oo firka-naxsan. Horaa da’yarta iyo bilayska la iskugu khuukhiyay ayaan odhan karaa.
Inteeda waaweyni ee bulshaduna hore ayay ula collowday direyska. Dadka waxbaa soo maray. Intooda badan wey ka ‘diiqaan direyska’ oo waxa uu xasuusiyaa wax badan oo ay askartii afweyne u geysteen shicibka, oo qofku wali waa [traumatized]. Waxa qudha oo ay ku farxaan marka uu dirysku Gaardiska ku marayo munaasibadaha, oo ay ogyihiin in aanu markaasi waxba yeelaynin. Dibna bileyskan cusub ee Somalilandta iyo bulshada la iskuma barin.
Bileyska laftoodu, siiba madaxdooda sare waxa aan ka bixin habdhaqankii Milatarrinimada ee dawladdii Afweyne. Nidaamkaasi oo Milatariyeeyay xilkalkii sar-sare ee dawladnimada. Waxa ay isku haystaan milatari, waana halka ay dhibtu ka jirto. Milatarinnimadana wax ay fartaa in wax kasta oon direyskaaga haysan ama afgarashadii wadanin (code) oo hortooda [front line] ka soo baxaa uu yahay Cadaw ama Basaas. Waana halka uu joogo garaadka askariga bileyska ah ee afaafka saldhigga taagani. Kaasi ayay bulshadu ka sugeysaa hadal dabacsan iyo soo dhaweyn. Wax kasta oon direyskiisa xidhnayn bacbuu ka qabaa. Markaa waxa loo baahanyahay in bileyska iyagan laga saaro is-militariyaynta [demilitarization] oo lagu yidhaahdo; caadi iska dhiga.
Mohamed Ahmed Abdi.
W/Q: Mohamed Ahmed Abdi
Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login