Laba Markab oo Jiriif ah oo Taagan Xeebta Saylac iyo Wasaaradda Kaluumeysiga oo Ka Kireyay Badda

Filed under: Aragtida Bulshada |

Inkasta oo uu madaxweyne siilaanyo hore xeer lagu magacaabay xeer madaxweyne uu ku joojiyey Laba markab oo ah nooca loo yaqaano jiriifka ee xaalufiya ug xanta kaluunya ayaa waxa lagu arkay xeebta Selel.

org_157_e6070dd494

Iyadoo dadweynaha deegaankaasi sheegeen in maraakiibtaasi fasax ka  haystaan wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo khayraadka badda ninka lagu magacaabo Cali buureed oo ogolaansho siiyey labadaasi markab ee badda taagan,wararka ka imanayaa maagalada xeebeedka saylac aaya sheegaya in labadan markab ay taagan yihiin meel u dhaw bariga badda oo ay soo dhawaadeen isla markaana ay xaaluf ba’an ku hayaan badda Somaliland.

Inkasta oo uu madaxweyne siilaanyo hore xeer lagu magacaabay xeer madaxweyne uu ku joojiyey maraakiibta jiriifka ah ee bada Somaliland hore uga xaalufisay ug xaanta kaluunka ayaa hadana talaabadan uu qaaday wasiirka kaluumeysigu u muuqataan inay tahay mid baal marsan xeerkaasi lagu magacaabay xeer madaxweyne ee madaxweyne siilaanyo hore u soo saaray.

Dadweynaha deegaankaasi ayaa qaylo dhaan iyo walaac weyn ka muujiyey labada markaad ee hada taagan xeebata saylac waxayna dad deegaankaasi sheegeen in ay u baahan yihiin warbaahinta xorta ah ee madaxa banaan inay la soo xdihiidhaan dadka deegaankaasi si umadda loogu soo bandhigo xaalufka maraakiibtaasi ku hayso badda Somaliland.

Mudo dheer ayaa waxa laga cabanaya marakiibta jiriifka ah oo khatar ku ah badda Somaliland oo ay ka xaalufiyaan ug xaanta kaluunku ku dhalo,taasi oo keeni karta in kaluunka laga waayo badda Somaliland,arintana ayaa waxay dhabar jab ku tahay guud ahaanba khayaradka dalka iyo kaluumeysatada oo khaati ka taagan maraakiibta uu wasiirka wasaaradda kaluumeysigu u fasaxayo inay xaalufiyaan badda Somaliland.

QORE:C/shakuur Cumar  Xuseen

Email:ccxuseen12@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

You must be logged in to post a comment Login