KHALDAAN: Maya Mar Kale! Qalinka Muuse F. Jaambiir

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha |

Waqtigu, khaldaan ma noqdo ee qofkaa khaldama. Isagaa, is waasiiya wuxuu haysto, haddana amminta wax saara. Mid, wuu ka ordaa qirashada guuldarradiisa, waxse uma soo celiso.

Muuse Faarax Jaambiir

Muuse Faarax Jaambiir

Waxa la gudboon raacdo uu dib isu helis ku beegsado, laakiin, intuu isdiidsiinta iyo hibashada ku jiro, baadidoonka wuxuu lumiyay kuma toosi karo oo halkaasuu ku hadhaa. Mid kale, wuxuu ka ordaa sii weheshiga hibashada iyo isciilkaambiga, waxaanuu aqbalaa runta, siduu wixiisii isu waasiiyay. Aqoonsigaa kadib, talo aan waadaasha ka maqan raacdadeeda ahayn, waqti kuma sii lumiyo. Kaasi, la arkee inuu guulaysto oo dib u helo dahabkii ka lumay, waxse la dhawraa laba midkuu noqdo. Inuu xaslado oo xejisto iyo inuu sidii hore ugu dhacday mar labaad iswaayo. Labadaa, kolba kuu noqdo ayaa naanaystii hore ugu baxday ka reebta ama ku negaysa.

Dan la xooro oo qiimaheeda nin hayaa garan waayo, gobanimaa u qaalisan. Nin mar lumiyay inuu dib isu helaana, hoodiyo ayaan iyo ogolaansho rabbi u daa’. Waxse, ka sii nasiib daran ka intuu dib u soo helo, misana mar labaad dayaca. Kaasi, abdo male’ mar sadexaad isma helayo, naanaysta liidka ah ee sidaa ugu baxdaana noloshiisa kama hadho. 

Soomaalida woqooyi (Somaliland) oo ahaa gobolkii ugu hor xoroobay shanta soomaali, markay xorriyada ka qaateen mustacmaradii Ingiriiska 26 June 1960, afar maalmood kadib waxay la midoobeen soomaalida koonfureed oo Julay 1. 1960 ka xorowday Talyaaniga. Dheg iyo dhabanba intay toodii duuduubeen ayay ka dejiyeen Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqaya; “Aan isla doono waaxyaheena kala maqan” iyo halku dhegyo kale oo shucuur midnimo jacayl oo xoog leh xambaarsanaa.

Reer koonfureedku, way la yaabeen fudaydka reer woqooyiga iyo doonista degdega ah ee ay ula yimaadeen. Sida taariikhda ku cad, hormoodkii reer koonfureedku, waxay kula taliyeen reer woqooyiga inay dib u laabtaan, waqtina la isa siiyo.

Reer koonfureedku, waxay isku haysteen waagaa awooddii dawladnimo iyo siday u wadaagi lahaayeen. Keliya, taasay ku foognaayeen ee dareen kale iyo baadidoonka midnimo shan soomaaliyeed hawl aloosan xagooda kamay ahayn. Waqtigaasi reer woqooyiga, wuxuu u bixiyay naanays caan noqotay oo ka dhalatay arrin seegii ay sameeyeen. Khaldaan, khaldaan, khaldaamiin, mid hirgashay bay noqotay intii la wada joogay, aakhirkiina waxay gaadhay heer ay ahaatay haybta dadban ee reer woqooyiga. Kaftanka laftiisa, marka si kale loo loodin waayo wiilka reer woqooyi, iintaasaa la xoqi jiray.

Haatan, soomaalida woqooyi 30 sanno oo ay khaldaamiin ahaayeen, waxa uga dambeeyay 30 kale oo ay taa hore ku tirayaan, balse weli waa la kala lushaa oo beenin rasmiya oo saxeex ku dhaqan gasha in la gaadhsiiyo ayaa beegsigoodu yahay. Taa waxa barbar socda tu kale oo teedii gabtay, tana inay lugaha sii dayso diidan. Nin lihi taa wuu u toog hayaa, mid maqana maankii.

Muqdisho, waxay leedahay, “Khaldaankii shalay; Aboowe mar kale ii noqo ‘Khaldaan”. Talo kale oo aan taa ahayn kaskeed kama muuqdo. Hargeysa, geesteeda hiban mayso shalay iyo siday ku wayday teedii. Waxay soo muddatayba haatan way is heshay oo is haysaa, balse, way xusuusantay, waanay xusuusnaan doontaa xumaantii tagtadaa. Eegga waxay taagantay; “Maya, mar kale! Ana tayda, adna taada”, dan hadalkeeduna waa, kala nool/wada nool, midba tiisa haysto, oo aan looga sii darin, waxay isu yihiin iyo isgargaarsiga dhalasho.

Waqtiga, sed kale oo aan kaa ahayn in laga dhawraa, waa ogaal Alle oo ma reebana. Goortaa, sugaalkeed iyo dadkeed, hadii shanta laysla helo oo ninba tiisa, tu ka wayn oo uu ku biirsado arko, hadeed iyo hed joogta. Haddase; riyo, hurdaa ka horaysa, run lugu kala nool yahayna, beeni isuma rarto.

Qalinkii: Muuse F Jaambiir.

You must be logged in to post a comment Login