Gabadh Ra’iisal wasaare ah oo Guursatay Suxufi Caan ah!

Arooska Clarke Gayford iyo ra’iisul wasaare Jacinda Ardern
Weriye Clarke Gayford iyo Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern

New Zealand (aftahannews):- Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa maanta la aqal gashay weriye caan ah oo ay in muddo ah wada socdeen,sida uu sheegay afahayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha.

Arooska Clarke Gayford iyo ra’iisul wasaare Jacinda Ardern
Weriye Clarke Gayford iyo Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern

Arooska Clarke Gayford iyo ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa lagu qabtay xaflad ka dhacday dalkaasi xilli la arkayay iyadoo uu aroosadda u gelinayo faraanti.

Sannadkii lasoo dhaafay, Jacinda Ardern waxay ku curatay gabadh , waxaana loo bixiyay Neve Te Aroha.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa noqoneysaa hoggaamiyihii labaad ee adduunka ee ilmo dhasha iyadoo xilka heyso.

Hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ilmo dhasha waxay aheyd, ra’iisul wasaarihii geeriyootay ee Pakistaan, Benazir Bhutto.

Xigasho BBCSomali.com.