Somaliland iyo Jeegaanta! Falanqaynta Wargeyska Ogaal

Filed under: Daba-galka Xogaha Qarsoon,Qubanaha |

Maalmahan waxa Masraxa beretanka hadal-hayntiisu ku badnayd erayga Jeegaan, oo Soomaalida qaarkood ay ugu yeedhaan ‘Qaanso-Roobaad’. Jeegaan, marka dhinaca Roobka laga eeggo Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Gaagixiso’ waxay yidhaahdaan, Daruuro Biyo sidkoodu buuxo oo aad hoorrimaad u eegayso haddii Jeegaani isku jeeni- qaarto, dihasho lagama fisho. Markaasaa wada-jirkooda kuugu dambaysa, aragtida ku xigtaana waa Daruurihii godlanaa oo gudhay, kala yaacay oo aan muuqaalkii hore lahayn.

JEEGAANTA IYO MACNAHA SOOMAALIDU U TAQAAN LUUQDEEDA SIYAASADDA IYO SOMALILAND 2017 FALANQAYNTA OGAAL

Mararka qaarna waxay yidhaahdaan, Jeegaantu hadday Roob da’aya ku dhalato iyo hadday mid diyaar ah ka hortagto labada jeerba iyadaa Biyaha laacda. Sidaa darteed, Soomaalidu ishaaro taban bay u eeggaan markay roobka isku loohdo. Laakiin,  dhan kale markaan ka eegno, Jeegaantu waa muuq qurux badan oo xayaysiiska iyo iidhehda macno wayn u sameeya, caalamkuna si wayn ugu isticmaalo. Muuqaal ahaan waxay ka kooban tahay midabbada jira. Ismuujinteedu waxay dhacdaa Casarkii golcasta dabadeed waqtiga daymaddu ugu toolmoon tahay.

Amintaasaa ka dhigtay bidhaan bilicdeedu Ashqaraar ku gelinayso, Hal-abuurka Soomaaliduna in badan bay billigteeda markay Daruuraha isku billayso, foodsaaro uga dhigteen Ammaanta iyo Quruxda.

Aan ka soo tagno taa oo gees kale ka dhugano isticmaalka eraygan ‘Jeegaan’. Dunida waxa jirra dalal badan oo hoggaamiyeyaashoodu eraygan u isticmaaleen hab siyaasiya. Laakiin, waxa laga yaabaa in qaabka iyo ficilka adeegsiga lagu kala duwan yahay, marka loo eego siduu metelkiisu uga socdo halkan (Somaliland). “Waxaynu  nahay Qaran ka kooban Midabbada Jeegaanta.” Sidaa waxa yidhi Halgamaagii, Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandella. Weedhaasi waxay qayb ka ahayd khudbad uu jeediyay markii uu talada kala wareegay nidaamkii Caddaanka tirada yari waqtiga dheer ku Addoonsanayeen Dadka madoow ee u badan Dhulkaa. Dadka dalkaasi waxay ka kooban yihiin Qoomiyado badan oo madoow ah, qaar Caddaan ah, Hindi iyo Badhax intaba isugu jira. Kuwaasoo dhammaantood kala Diin ah, kala Af ah, kala dhaqan ah, balse wadaagga Calan keliya.

Markii madowgu talada la wareegeen oddoroskii reer Galbeedku wuxuu u badnaa in Mandella ku fashilmi doono isku wadka Ummaddaa midabbada badan, isla markaana Koonfur Afrika oo Caddaanka tirada yari ka dhigeen dal Korran oo Yurub ka tirsan uu u ekaan doono Afrikaanka kale. Laakiin, Mandella taa wuxuu ku beenniyay tallaabadii u horraysay ee uu qaaday. Wuxuu joojiyay Madowgii qamaansanaa ee doonayay inay mid mid ula wareegaan hawlihii Caddaanku gacanta ku hayay. Wuxuu amray in hawl kasta ay hayso Aqoonta gacanta ku haysaa, taa beddelkeedana wuxuu dejiyay qorshe laysku soo gaadhsiinayo Tacliin ahaan Madowgii dib-u-dhacsanaa iyo Caddaanka koray. “Waxaynu nahay Qaran midabbada Jeegaanta leh, Caddaan, Madow, Buurre, dhammaantood waa Reer Koonfur Afrika, Qofna kama laha Qofka kale. South Africa…Rainbow nation” halkaasuu mariyay mallihii Caddaankana ku beeniyay. 

Sida muuqata ficilkiisa waxa ka xiiso badan qaabka iyo inta uu ka isticmaalay Jeegaanta. Isagu muu adeegsan labadeeda dacal ama cidhif ee wuxuu ka shaqaysiiyay midabbadeeda. Si farshaxan leh oo qaneecaad iyo waxtar u yeelatay dadkiisana wuu ugu dhigay, illaa ay ka noqotay hal hays Qaran. Hase-ahaatee halkan, sida eraygan siyaasiyan looga isticmaalayaa waa si aad uga duwan sidaa. Midabbadeeda looma baahan ee waxa laga shaqaysiiyay labada dacal. Waxay tilmaamaysaa isu booddo laba kooxood ama laba dhinac oo aan ood-wadaag ahayn, balse nidaam-wadaag ah, qaybna ka ah Qaran ay dad badan oo kale wada leeyihiin. Dabcan, waxa ahayd lid siyaasadeed oo Qabaliya u aloosmay caabbinta awood kale oo Qabaliya oo ka mid ah dan-wadaagta wax wada leh.  Abuurkeedii hore waxa la tilmaamaa in uu ka soo jeeddo SNM iyo xilligii halganka. Intii Somaliland gaarka u taagnayd in badan oo ka mid ah oo waqtigu saacidayayna way shaqaysay, siiba waqtigii selelka iyo salowga oo sidii darka loogu kala riixday weli laysku dugsanayo.  Hase-yeeshee, wixii ka dambeeyay 1997 intii Somaliland dawlad ahaan dib uga soo yabyabatay burburkii sokeeye illaa markii dalka laga hirgeliyay nidaamka Axsaabta badan waxay u ekayd mid milaygu ka shaqeeyay,  taa beddelkeediina waxa xoogaystay tiirarka hay’adaha dawliga, isla markaana waxa sugmay midnimadda ummadda wax wadda leh.

Laakiin, waxay mar kale soo ifbaxday  xilligan doorashada, isla markaana waxa saskeeddu Cirka isku sharreeray ka dib markii Madax-dhaqameed ka soo jeedda labada dhinac ay  Burco kaga dhawaaqeen heshiis doorashada la xidhiidha. Taasi sida muuqata waxay keentay jawaabo cambaarayn iyo diidmo ah oo dhan walba ka soo yeedhaya oo ka imanaya Bulshowaynta oo ay ugu horreeyaan Dadka haybtooda lagu sheegay kuwa wada galay heshiiskaas. Qabaa’ilku inay isxodxotaan xilliga doorashada maaha ugub, balse waxa ugub ah in go’aankan oo kale Madaxda Dhaqanku Warbaahinta isla soo taagaan, taasina waxay haatan u muuqataa Qabyaalad ahaan mid layskaga dayday marka loo eeggo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Laascaanood.  “Qaran kuma dhismo Qoys iyo laba Qoys oo Xulufo noqda ama Jeegaan noqda ama Xabbaadh noqda. Qarankani waa Qaran ka ballaadhan, waa Ummad ballaadhan…” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Waa run oo Qaran kuma dhismo heshiis laba Qolo oo noocaas oo kale ah, laakiin mid kalena waa run oo Qabyaaladdu waa mid doorwayn ka ciyaarta doorashooyinka. “Hadalka Wasiirka layskuma hayo inuu run yahay, laakiin waxa iyaduna run kale ah in illaa hadda Qabyaaladdu saamaynta ugu wayn ku leedahay doorashooyinkeenna, hadday tahay ta Madaxweynaha, Wakiillada iyo Golayaasha deegaankaba.” sidaa waxa yidhi Cali-Guray oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye. Weedhan iyo tii ka horraysay labaduba waa run isdiiddan oo isbarbar taalla oo iscunistoodu waqti qaadanayso, waayo? In Qabyaaladda la dilaa waa yoolka loo socdo ee Xisbiyada loo samaystay, waxse muuqata inay ka adkaatay kuwaynu u samaysannay inay suuliyaan, taasina waa cimri-dherer sii fogaynaya dhimashadeeda. Sidaa aawadeed, waxa habboon in loola noolaado habka ugu fudud, balse xadhig tirsiimadiisu dheer tahay oo laba dhinac oo dadka ka mid ah gaar ugu xidhan, wax aanay gaar u lahayn ee la wada leeyahayna saamaynaya wax saarkiisu wuu ka duwan yahay, macaamilka iyo guurguurka Qabyaaladda caadiga ah, taasina waxay u muuqataa ta fiirsiga gaarka ah u yeeshay Jeegaantan hadalkeedu taagnaa/taagan yahay.    

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login