Qiso-Riwaayadeedka Heesta; “Gacantu Raaxo Daranaa, Guudkayga Saarani…” Cumar-Seerbiya

CUMAR SEERBIYA

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo loo garan ogyahay Xasan-Ganay, ayaa Alifay ama Curiyey Riwaayad uu u bixiyey “Bidaari Sibiqbay kugu gashaa”. Riwaayadda Hoobolladii ku jiray waxa ka mid ahaa Boon Xirsi Bowdyo-gaab, Meecaad Miiggane, Aamina Cabdillaahi Xirsi, Xasan Aadan Samatar iyo Maxamed Yuusuf Cabdi.

CUMAR SEERBIYA

Qaybta aan u socdo oo ah Heestan oo uu laxameeyey sida la ii sheegay Axmed Nuur Jaangoo, waxay sababteedu ahayd Xasan Aadan Samatar oo Riwaayadda ku metelaayey magaca Raage Faarax Qamaam, waxa uu jeclaanayaa Aamina Cabdillaahi Xirsi, oo Riwaayadda dhexdeeda la yidhahado Hibo Maax Maxamed oo uu dhalay sida Riwaayadda ku jirta Meecaad Miiggane oo isna ku jilaaya magaca Maax Maxamed.

Raage oo Xasan ah ayey Heshiinayaan ka dibna waxay isku afgaranayaan inay Aabbaheed u sheegto, iyada oo waliba u raacinaysa magacac Ninka soo doonaya in la yidhaahdo Raage Faarax Qamaam .

Maxamed Yuusuf Cabdi oo isna magaciisu yahay Raage Faarax Qamaam, ayaa ka imanaya Qurbaha ka dibna waxuu ka helayaa Aamina oo markan u doonnaan Raagaha kale ee Xasan Aadan ah.

Markay u sheegto ayuu Boon Xirsi oo la socday oo Askari ah rabana inuu shaxaado Raagaha Qurbaha ka yimi oo ku dhahayaa Ninakn waan xidhayaa Aabbaheed Gabadha weydiiso oo maaddaama oo Ninka ay u doonnantahay aad isku magac tihiin, waxaanu la socdaa Sheekada inaanay Xasan iyo Meecaad wali is arkin sheeko maqal mooyaane.

Meecaad oo ah Maax, ayey Boon iyo Maxamed Yuusuf u tagayaan markay weydiistaan Gabadhii ayuu isna ku odhanayaa magacaa waxuu u sheegayaa inuu yahay Raage Faarax Qamaam, sidii ayaa lagu siinayaa oo loogu dhisayaa.

Aamina keliya waxay ogtahay in la siiyey Raage Faarax Qamaam oo ay moodayso kii ay u doonanayd. Habeenkii markii loo aqalgeliyey ayey ogaanaysaa, sidaas ayeyna ku qaadaysaa Heesta; “Racantu Raaxo Daranaa, Guudkayga Saarani, Go’a yaa ila Huwaday?”

Balse, Sheekada Heestu si guud ayey uga hadlaysay Dhaqanka waqtigaasi jiray, kumay saabsanayn noloshii Cabdi Aadan Qays iyo Aamina

Erayada Heesta

Galaw Taah Gu’ Madaxii

Goohyoo galaa yimid

Guuguule Faal dhigay

Garan waa Minkaw baxay

Isna Baalasha is goo

Anna Gocashadiisii

Gef u dhacay ismoodsiis

Waa waxaan Galgalashada

Anoo Gam’ay Gadood ciil

Garta ugu Naqaayee

Gurigii Jacaylkiyo

Kii godobta kee baan

Gogoshiisi ku Hurdaa

Go’a yey la Huwaday

Gacantu Raaxo daranaa

Guudkayga saarani!

Golcasta iyo Sibir godan

Kala jeedi Geeluba

Isna garay Habeed gubi

Gondaha inuu ku leeyahay

Waanu Galab Cadceedsaday

Dhiiggii Guntamay iyo

Gujo Maqan Gunaad oge

Anna Nabar ii gaadhoo

Gaaroodis diidaa

Garka iga damqanayee

Gurigii Jacaylkiyo

Kii Godobta kee baan

Gogoshiisi ku Hurdaa

Go’a yay la Huwaday

Gacantu Raaxo daranaa

Guudkayga saarani!

Waxa Qoray Weriye Cumar-Seerbiya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.