Somaliland: Ehlu-Sunna Wajeemeeca oo Culimo la Magacaabay Cabasho uga gudbiyey Guurtida

CULIMADA EHLU-SUNNA WAJAMEECA EE SOMALILAND OO GOLAHA GUURTIDA CABASHO U GUDBIYEY

Hargeysa(Aftahannews):- Xubo ka tirsan Culimadda Ehlu-Sunna Wajameeca ee Somaliland, ayaa cabasho ay ka muujiyeen Guddi dhawaan Culimada loo magacaabay oo Madaxweyne Siilaanyo sheegay in dhismaha Golaha Culimada la soo dhammaystiray u gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

CULIMADA EHLU-SUNNA WAJAMEECA EE SOMALILAND OO GOLAHA GUURTIDA CABASHO U GUDBIYEY
CULIMADA EHLU-SUNNA WAJAMEECA EE SOMALILAND OO GOLAHA GUURTIDA CABASHO U GUDBIYEY

Guddigaas Magacyadooda Madaxtooyada Somaliland soo saartay markii uu Jimcihii Kulan Afur ah la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo Xubno Culimada dalka ka tirsan, ayey Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA ku tilmaameen Sharci-darro iyo inaan loo marin nidaamka uu Sharcigu waajibiyey, Madaxweynuhuna awood u lahayn magacaabistooda.

Hase-yeeshee, Garyaqaanka guud ee Xukuumadda, ayaa sheegay inaanay jirin Guddi uu Madaxweynuhu magacaabay, balse Culimada Magacyadooda la shaaciyey oo uu Sheekh Didir oo ka mid ahaa iska casilay yihiin Guddi Culimadu iska soo xushay oo iyaga iyo Xubno Xukuumadda iyo Guurtida ka tirsan oo uu Madaxweynuhu magacaabay Golaha Culimada soo dhisi doonaan, ka dibna Guurtida u gudbin doonaan, si Golahaasi u ansixiyo, sida Dastuurka Somaliland dhigayo.

Haddaba, Culimada Ehlu-sunna Wajameeca ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Cabashada u gudbiyey oo kulan ay la yeesheen Guddoomiye Saleebaan ka dib si kooban Warbaahinta ula hadlay, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.