Nimcaan-Hillaac & Fannaaniin Reer Sudan ah oo si Toos ah ugu wada Heesaya Live Music – Daawo

Khartum(AFNS):- Qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahintan Aftahannews.com, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Bandhig-Faneed toos ah ama Live ah oo ay Fannaanka Soomaaliyeed ee Nimcaan-Hillaac iyo Fannaaniin dalka Suudaan u dhashay ku wada qabteen bishan Maarso 2017-ka magaalada Khartum ee Caasimadda dalka Sudan.

Fannaaniinta, ayaa loo tumayaa Qalabka danana oo si toos ah isla goobta loogu tumayo, isla markaana si toos ah ay ugu heesayaan Heeso kala duwan, iyaga oo Fannaaniinta Suudaaniyiinta ahi Luuqaddooda ku heesaya, halka uu Fannaanka Nimcaan-Hilaacna Luuqaddiisa Hooyo ee Soomaaliga ku heesayo.

Haddaba, Bandhig-faneedkaas Khartuum ay Nimcaan-Hillaac iyo Fannaaniinta Reer Sudan ku wada qabteeen, waxaannu qaybo ka mid ah idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.