“Caku Mudanahaygii, Mooryaantu Dhaantoow, Dhiig Miirtihiiyoow…” Maanso Cusub Abwaan Weedhsame

Weedhsame oo Maanso ka Tiriyey Boobka Xukuumadda Siilaanyo, Dhaameel-raaca Baarlamaanka & Dhoohanaanta Shacabka 2017

Hargeysa(AFNS):- Abwaanka Cabqariga ah ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), ayaa tiryey Maanso cusub oo uu ku cabbiray sida ay u dayaceen Masuuliyaddii Dalka iyo Dadka ka saarnayd Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada iyo weliba Dillaalnimada iyo Shilimaad-dhaafsiga xilka saaran ee ay isu bahaysteen iyaga iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

“Caku Mudanahaygii, Mooryaantu Dhaantoow, Dhiig Miirtihiiyoow…” Maanso Cusub Abwaan Weedhsame 2017
“Caku Mudanahaygii, Mooryaantu Dhaantoow, Dhiig Miirtihiiyoow…” Maanso Cusub Abwaan Weedhsame 2017

Maansadan oo Hal-ku-dhiggeedu yahay; ‘CAKU MUDANAHAYGII MOORYAANTU DHAANTOOW’, waxaanu Abwaan Weedhsame Curiyey Maansadan Axaddii toddobaadkan markii ay Aqlabiyadda Xildhibaannada Guurtida iyo Wakiilladu fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen oo Madaxweynuhu hortegay ku meel-mariyeen codsiga oggolaansho Xukuumadda Golayaashu u siiyaan inay Heshiis Imaaraadka Carabta la gasho oo ay siiso Saldhig Millateri oo magaalada Berbera uu Imaaraadka Carabtu ka doonayo.

Waxaannu Maansadaa Abwaan Xasan-Weedhsame ka curiyey go’aankaa Axaddii Baarlamaanka Somaliland ku oggolaaday in Imaaraadka Carabtu Saldhig Millateri ku yeesho dhul ballaadhan oo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaasoo markii la meel-marinayey Mudanayaashii dalbaday in dood la geliyo oo Golaha la horkeeno heshiis rasmi ah sida Dastuurka iyo Shuruucda dalku dhigayaan, balse aan Waraaqo Nuxur loogu yeedhay aan la ansixin Askar loo adeegsaday oo laga saaray Golaha. Waxaanay Maansadaas oo Aftahannews soo gaadhay u dhignayd sidatan:-

“Caku Mudanahaygii

Mooryaantu Dhaantoow

Dhiig Miirtihiiyoow

Kii loo Mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada Miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad Malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan Macbuud baa

Uur Madhane Buuxshee

Xaaraanta Maandhoow

Ma mahadin Hortaa jire.

Milladdii Islaamkiyo

Dhaartaad Marteeniyo

Xaqa Muuminiintiyo

Ducadii Madluunkee

Toos loo Maqlaayiyo

Mawdkiyo Xabaashiyo

Munkar iyo Nakiiriyo

Qabrigii Madoobaa

Ee Maro Cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Mudduciga Qiyaamaha

Maxkamadda Illaahay

Kugu Maadsanaayiyo

Xaaraanta Maandhoow

Cishadaa Macaanayd

Muruqaad ku Xoogtiyo

Midigtaad ku Taabtiyo

Dhuuntii Ad Marisaa

Kugu Marag furaysiyo

Mustafaha Warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac Dhawristiiyo

Dhaqankii Masuulnimo

Xil kaskiyo Marwaadkii

Maydhaamihiiyoow.” Sidaa ayuu Maansadaa ku yidhi Abwaan Xasan-Weedhsame.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.