Xoghayaha Guud ee Hargeisa Media House Muxuu ka yidhi Xayiraadda Telesom ku hayso Aftahannews?

to Jamal Ibrahim, the secretary general of Hargeisa Media House, a local media watchdog who spoke to Alleastafrica

Hargeysa(Aftahannews):- Jamaal Ibraahin Maxamed oo ah Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Hargeisa Media House oo ka dhisan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si kulul u cambaareeyey xayiraadda ay tan iyo bishii Febraayo ee 2014-kii Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ku hayso in adeeggeeda Internet-ka laga booqan karo Shabakadda Aftahannews.com iyo sidoo kale Xayiraadda ay Shirkadda Somcable saartay Shabakadda Hadhwanaagnews.

XOGHAYAHA URURKA HARGEISA MEDIA HOUSE JAMAAL IBRAAHIN MAXAMED OO KA HADLAY XAYIRAADDA TELESOM EE AFTAHANNEWS 2017
XOGHAYAHA URURKA HARGEISA MEDIA HOUSE JAMAAL IBRAAHIN MAXAMED OO KA HADLAY XAYIRAADDA TELESOM EE AFTAHANNEWS 2017

Jamaal Ibraahin Radio Dalsan oo ka mid ah Idaacadaha FM-ta laga dhegaysto ee Soomaalida, ayaa sheegay inaanay Sharciga waafaqsanayn inay Shirkadaha Isgaadhsiintu sidan u dhaqmaan oo ay cuno-qabateeyaan Macaamiisha ay adeeggooda Internet-ka ka iibiyaan ee Somaliland ku dhaqan, isla markaana ay xorriyatul-qawlka, Xeerarka caalamiga ah iyo Xeerarka Saxaafadda ee Somaliland-ba ka hor-imanayso tallaabada ay ku cabbudhinayaan Mareegaha Warbaahinta Internet-ka iyo Bulshada xaqa u leh inay ogaadaan xog ama war ee ay ka iibiyaan Internet-ka.

Xoghayaha guud ee Ururka Saxaafadda Hargeisa Media House Jamaal Ibraahin, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin tallaabooyika ay Shirkadaha is-gaadhsiinta gaar ahaan Telesom iyo Somcable ku xayireen Shabakadaha Aftahannews.com iyo Hadhwanaagnews.com, waloow ay Shirkadda Somcable xayiraadda ay ka saartay adeeggeeda Internet-ka in laga booqdo Hadhwanaagnews ay ka qaadday Axaddii shalay oo si caadi ah hadda looga booqan karo adeegga Internet-ka Soogasho ee ay Somcable bixiso. Hase-yeeshee, Aftahannews weli xayiraaddaasi ka saaran tahay in laga booqdo Internet-ka ay bixiso shirkadda Telesom.

“Shirkadda TELESOM waxay ku soo rogtay xayiraad Shabakadda Aftahannews.com oo waxay xayirtay adeegga Internet-ka ee la dhex-marayey ama laga booqanayey Shabakaddaas. Sidoo kale, Shabakadda kale ee la yidhaahdo Hadhwanaag, ayaa wax ka qortay Shirakdda la yidhaahdo Somcable oo Viber Obtic-ga keenta Somaliland, taasoo iyaduna ka xayirtay in internet-keeda laga booqdo, hase-yeeshee shalay ayaa lagu guulaystay dedaal badan ka dib in Hadhwanaagnews ay Somcable xayiraadda ka qaaddo.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.

Xoghayaha Hargeysa Media House Jamaal Ibraahin Maxamed oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay; “Waa markii ugu horreysay ee ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka jira Somaliland ay awooddooda u adeegsadaan inay ku xayiraan Warbahinta madaxa-bannaan ee ka jirta Somaliland. Urur ahaan aad baannu u cambaaraynaynaa, waxaanannu sheegaynaa in xorriyatul-qawlka iyo xuquuqdii ay Bulshadu xaqa u lahayd ka hor-imanayaan tallaabooyinkaasi.”

Jamaal waxa uu sheegay inay Urur ahaan qoraallo kala duwan oo ay tallaabooyinkaas Shirkadaha Isgaadhsiinta kaga hadlayaan u kala direen Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda, Hay’adaha Garsoorka Somaliland, Wasaaradda Warfaafinta, Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka, kuwaas oo ay ku muujinayaan sida aanay Sharciga u waafaqsanayn ee ay Xeerarka Caalamiga ah ee Saxaafadda, kuwa Somaliland iyo Xorriyatul-qawlka Bulshadu xaqa u leedahay ka hor-imanayaan, loona baahan yahay in wax laga qabto cuna-qabataynta iyo cabbudhinta ay bilaabeen Shirkaduhu. Waxaanu Shirkadda Telesom ugu baaqay inay xayiraadda 3-da sano saaran Aftahannews ay ka qaaddo, waxaanu soo sheegay inay cidda cabasho ka qabta Warbaahinta ama xad-gudub ka tirsanaysaa inay u maraan Hay’adaha Garsoorka iyo Nidaamka Sharciga ah ee dalka u yaalla, balse aanay qaadin tallaabooyinkan dhaawacaya xorriyatul-qawlka.

“Si wayn bay u dhaawacayaan tallaabooyinkan Xorriyatul-qawlka, waxay ceeb ku tahay xayiraaddani Somaliland, waxay Sumac-xumo u tahay Shirkadaha Ganacsiga ee Isgaadhsiinta ee adeegga Internet-ka siiya (ka iibiya) Bulshada, waxay ka hor-imanaysaa Sharciga iyo Dastuurka Somaliland oo Muwaaddiniinta u dammaanad-qaaday xaqa ay u leeyihiin inay ra’yigooda ama aragtidooda si xor ah u cabbiri karaan, haddii ay sidaa ku sii socoto oo aan laga hor-tegin oo aanay Hay’adaha Sharciga ee Somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ahiba ka hor tegin tallaabooyinkaas, waxay noqonaysaa in la cabbudhiyo Warbaahinta madaxa-bannaan iyo in la cabbudhiyo Shacabka oo waxay xaq u lahaayeen ay waayaan oo aanay aragtidooda cabbiri karin ee la cabbudhiyo, maaddaama oo ay Saxaafaddii madaxa-bannaanayd dhibaatadaa la kulmayso marka ay gudbiyaan wax jira oo ay dhibsadaan Shirkaduhu. Sidaa daraaddeed, waxaannu ku baaqaynaa in arrimahaas wax laga qabto oo aanay mar dambe soo noqon.” Sidaa ayuu yidhi Xoghaye Jamaal Ibraahin.

Inkasta oo ay tan iyo bishii labaad ee sannadkii 2014-kii Shirkadda Telesom cunaqabataynta ku haysay Warbaahinta Aftahannews.com oo aan si toos ah internet-ka ay Telesom looga booqan karaynin, haddana marmar ayey suuragal ahayd in Dadku Daatada Taleefannadooda gacanta ee Kaadhka Telesom ay ka booqan karaan Aftahannews, balse waxay Dhaatada in laga booqdana xayirtay markii ay dhawaan dhibsadeen Aragtiyo ay Dad ku cabbireen adeegyadeeda.

Waxay si gaar ah u dhibsadeen Telesom Maanso kooban oo uu tiriyey Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Abwaannada ku nool magaalada Hargeysa Bulshada ku weydiiyey midka badan khasaaraha iyo faa’iidada adeegyada Shirkadda Telesom ay bixiso sida Zaadka (Lacagta Taleefanka la isugu xawilo), Ogeysiisyada ay Taleefannada gacanta ku dirto, Taawarrada meel kasta oo magaalada ah ka taagan iyo wixii la mid ah, kaasoo Shabakadda Aftahannews baahisay bishii hore.

Sidoo kale, waxay si aad ah u dhibsadeen Telesom Hadal uu Xaflad ka jeediyey Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) oo uu ku sheegay in adeegga Zaad sabab u yahay Sicir-bararka Sarrifka Doollar, qiimo-dhaca Lacagta Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka Muceeshadda kala duwan ee Suuqyada Somaliland lagu iibiyo, kuwaas iyo aragtiyo kale oo dhammaan ay Aftahannews baahiyey bishii hore, ayey ka xumaadeen Masuuliyiinta Shirkadda Telesom, taas beddelkeeda waxay labanlaabeeyn Xayiraaddii adeeggooda Internet-ka in laga soo booqdo Aftahannews oo ay guud ahaan meesha ka saareen, waxaanu Sarkaal ka tirsan Telesom markaas ugu hanjabay Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, inuu qoommamayn doono 0waxyaabahaa Aftahannews ahaan ay baahiyeen awgood ee ku saabsan Telesom.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.