Farmaajo oo Kashifay Sirta Kulan Nairobi ku dhex-maray Weftigii Cirro ee Xisbiga Waddani

WERIYE MAXAMED BAKAYLE IYO MUSHARRAX MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaarihii hore ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isla markaana wakhtigan ah Musharrax u tartmaaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kashifay arrimo Sir ah oo ay ka wadahadleen Wefti ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka tirsan oo dhawaan ka soo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay ku kulmeen.

WERIYE MAXAMED BAKAYLE IYO MUSHARRAX MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

WERIYE MAXAMED BAKAYLE IYO MUSHARRAX MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Weftiga Waddani ka tirsanaa oo u badnaa Xubnaha Hoggaanka iyo Siyaasiyiin magac leh oo ka tirsan Xisbigaas, waxa hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya inay Nairobi kula kulmeen Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rke iyo Xubno kale oo Siyaasiyiinta Soomaaliya ka tirsan si adag u beeniyey inay is-arkeen ama kulmeen Raysal-wasaare Sharma’arke iyo Siyaasiyiin Soomaaliya ka tirsan.

Hase-yeeshee, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Waraysi uu la yeeshay Weriye Maxamed Bakayle oo ka tirsan Kalsan TV, ayaa sheegay inay Cirro iyo Weftigiisa ku kulmeen Nairobi, isla markaana ka wadahadleen arrimo dan u ah Mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed oo uu sheegay inay isla qaadeen in Midnimo keeni karto, isla markaana arrintaa isku dareen ka yihiin wakhtigan.

Waraysigaas Qayb ka mid ah oo uu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay Musharrax Farmaajo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose, halka qaybta kalena aannu isla halkan AFTAHANNEWS.COM idiinku soo gudbin doonno ee qaybta koowaad nala daawada, waxa uu u dhacay sidatane:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.