Daawo Barwaaqo Qalanjo oo soo saartay Hees cusub & Muuqaal Cajiib ah

BARWAAQA-QALANJO IYO MUUQAAL CUSUB HEESTA CASHAR

Aftahannews.com/ Hargeysa :- Fannaanadda Barwaaqo-Qalanjo, ayaa soo saartay Muuqaal cajiib, kaasoo uu duubay Waqal Production, ayaa lagu duubay Xeebta Batallaale ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo Buuraha quruxda badan ee ka sokeeya qaarkood. Halkaasoo ay ku soo qaadday Hees cusub oo Jacayl ah.

BARWAAQA-QALANJO IYO MUUQAAL CUSUB HEESTA CASHAR
BARWAAQA-QALANJO IYO MUUQAAL CUSUB HEESTA CASHAR

Heestan ay Fannaanadda Barwaaqa-Qalanjo soo saartay, waxaa Erayadeeda Curiyey Abwaan Jamaal Liibaax, Laxanka iyo Musiga waxaa ku ladhay Ilyaas Idiris Caynaan, Heesta Hal-ku-dheggeedu waa; “Cashar”.

Waxaanannu Muuqaalka Heestaas oo aad u qurux badan, isla markaana uu Tifaftiray Mustafe Saleebaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.