Daawo Biif iyo BK oo Madal kaga wada Ciyaaraya Heestii Khilaafkooda Sababtay

Aftahannews.com (Hargeysa):- Fannaaniinta Axmed-Biif iyo Maxamed-BK oo dhawaan ka heshiiyey khilaaf u dhexeeyey oo heerkiisu gaadhay in BK Hargeysa ku xidho Biif sannadkii 2011-kii mar uu Safar ahaa, ayaa Shaw ama Bandhig-faneed Sagootin uu BK uga dhigay Biif waxay ku wada qabteen Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Khilaafkooda ayaa ka kacay Hees ay labada Fannaanba qaadaan, mid welibana ku doodi jiray in isaga la siiyey oo uu Heestaa dhab ahaan leeyahay, midba midka kalena ku eedeynayey inuu ka koobbiyeeyey, BK ha u badnaato dooddaasiye. Hase-yeeshee, inkastoo ay labada Fannaan ka heshiiyeen khilaafkaas ka Curtay Heesta Diiwaanka armaan galaa, waxa uu hadda BK yaqiinsaday ama garwaaqsaday inuu Heestaa qaado Biif.

Haddaba, Bandhig-faneedka ay Dhawaan labada Fannaan ku wada qabteen magaalada Hargeysa oo ku yimi ka Odayeyn iyo dhex-dhexaadin uu arrinkaa labada Fannaan ka galay Cabdi Good Abees, ayaannu jecelnahay isaga oo Axmed-Biif qaadaya Heestaas, isla markaana uu Maxamed-BK ku ciyaarayo, tahayna markii ugu horreysay ee ay labadan Fannaan Bandhig-faneed ku kulmaan, idiinku soo gudbinayno Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.