Madaxweyneha Mareykanka oo Sheegay in aan Cidna laga-aqbalayn ku Biiritaanka NATO

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Helsinki (Aftahannews)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa sheegay in aannay NATO aqbalayn xubin cusub oo ku biirta inta uu socdo dagaalka Ukraine, wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu ka  hadlayay shir madaxeedka Vilnius Lithuania ee Magaalada Helsinki.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden wuxuu Finland ku tilmaamay “hanti cajiib ah” marka laga hadlayo isbahaysiga dhanka Millateriga, balse wuxuu sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “hortaba loogaga adkaaday” dagaalka Ukraine, wallow aannu sheegin caddaymo muujinaya in dagaalka Ukraine lagaga adkaaday Putin.

Biden markii uu hadlayay waxa ka garab taagnaa Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto, waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin lagaga adkaaday dagaalka Ukraine, isla markaana Moscow ay gabaabsi tahay khayraad iyo dhibaato dhaqaale awgood.”Ma jirto wax suurtagal ah oo uu ku guuleysan karo dagaalka Ukraine.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Biden ayaa sheegay in Ukraine “ay ku biiri doonto NATO” Putin ayaa ugu dambsyntii go’aansan doona in aannay dani ugu jirin Ruushka inuu sii wado dagaalka. Laakiin wuxuu yidhi,  “Qofna kuma biiri karo NATO inta uu dagaalku socdo,” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono taako kasta oo ka mid ah dhulka NATO oo ay ku jirto Finland. “Maraykanku waxa ka go’an Finland, waxa ka go’an NATO, ballan-qaadyadaasina waa kuwo adag,” ayuu yidhi.

“Uma maleynayo in NATO ay waligeed ka xoog badnayd,” ayuu yidhi Biden, oo furay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Finland. “Waxaan si wadajir ah u taagannahay qiyamka dimuqraadiga ah ee la wadaago,” ayuu raaciyay,

Biden waxa kale oo uu sheegay in ay dhab ka tahay in uu daba galo in maxaabiis lagu beddelo Weriyaha Wall Street Journal Evan Gershkovich, kaas oo ku xidhan Ruushka in ka baddan 100 maalmood. “Hannaankaas waa uu socdaa,” ayuu yidhi.

Niinisto ayaa sheegay in xubinnimada Finland ee NATO ay ku dhawaaqday “waa cusub oo amnigeena ah,” wuxuuna ku ammaanay Biden “midnimo abuurista” shir madaxeedka Vilnius kaas oo diiradda lagu saaray midoobida ka dambeeya Ukraine.

Kulan uu la qaatay madaxda dalalka Waqooyiga Yurub ee Finland, Sweden, Denmark, Norway iyo Iceland, ayuu Biden ku baaqay in la iska kaashado wax ka qabashada dhibaatooyinka cimilada.

Biden ayaa sidoo kale la qaatay shir-madaxeed yar oo uu la yeeshay madaxda dawladdaha kale ee Waqooyiga Yurub sida Denmark, Norway, Sweden iyo Iceland.

Mawduuca ugu muhiimsan wuxuu ahaa iskaashiga dhow ee ka dhexeeya wadamada Waqooyiga Yurub iyo Maraykanka ee dhinacyada amniga, siyaasadda cimilada iyo farsamada. Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kulamada Biden uu sidoo kale soo dhaweynayo soo gelitaanka Sweden ee NATO, kaddib markii madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan uu diiday codsigiisa toddobaadkan.

Booqashada Biden ayaa ku soo beegmaysa ku dhawaad shan sano kaddib markii madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu hadal heshiin ah la yeeshay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin wadahadaladii Helsinki.

Dhinaca kale, Finland waxay ahayd xubin rasmi ah oo NATO ka tirsan tan iyo bilowgii April, Go’aanka waddanku uu ugu biiray NATO wuxuu jebiyay todobaatan sano oo ciidan la’aan ah wuxuuna qiyaas ahaan labanlaabay dhererka xadka NATO ay la wadaagto Ruushka. Finland waxay xuduud la leedahay Ruushka oo dhererkeedu dhan yahay 1,340 kiiloomitir, taas oo u dhiganta (ku dhawaad 833 mayl).

“Waa halista kaliya ee jirta ee bini’aadmigu soo food saartay, mana haysanno waqti badan, laakiin waxaan ku kalsoonahay – haddii aan sii wadno inaan wada shaqeyno, waan la macaamili karnaa,” ayuu yidhi. Waddamada Waqooyiga Yurub ayaa muddo dheer door hoggaamineed ku lahaa arrintan, ayuu raaciyay Biden.

Ra’iisal wasaaraha Iceland, Katrin Jakobsdottir ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in Maraykanka uu door muhiim ah ka ciyaaray wax ka qabashada dhibaatooyinka cimilada iyo noolaha.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen, ayaa dhanka kale ku ammaantay Biden inuu dib ugu soo celiyay Maraykanka dagaalka ka dhanka ah isbedelka cimilada. “Adiga oo kula jooga Aqalka Cad, waxaan haysanaa fursad aan tan si wadajir ah u samayno,” Frederiksen ayaa yidhi.