Qabkee ayay wax u bartaan Ardayda Dugsiga Australian Islamic School?

Hargeysa (Aftahannews)- Dugsiga Australian Islamic School oo ka mid ah Dugsiyada waxbarasho ee Caruurta lagu barbaariyo ee ka jira Somaliland, ayaa soo bandhigay tayada Dugsiga iyo qaabka ay wax u baraan Ardayda kala duwan ee dugsiga waxka barata.

Maamulaha guud ee Dugsiga Australian Islamic School Jimcaale Xuseen Nuur, ayaa waxaa uu si qoto dheer faah-faahin dheeraad ah uga bixiyay luuqada kala duwan ee Dugsiga Australian Islamic School lagu baro Ardayda.

Waxaana uu sheegay in Ardayda ay baraan Luuqadaha Diinta, Soomaaliga, carabiga, Ingiriisiga iyo Tignoolajiyada iyo qaybo kale oo ay ku jiraan barbaarintu.