Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo dacwad ka gudbiyay Madaxweyne Deni

Garoowe (Aftahannews)- Madasha siyaasiyiinta mucaaradka maamulka Puntland, ayaa maanta maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland u gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa.

Shir jaraa’id oo ay siyaasiyiintu mucaaradku qabteen dacwaddooda kadib, waxay sheegeen in ay ku eedeeyeen Madaxweyne Deni inuu geystay gabood falo ka soo horjeeda dastuurka iyo xeerarka u yaalla Puntland.

Siyaasiyiintu waxay sheegeen tallaabooyinka uu Madaxweyne Deni qaaday muddooyinkii ugu dambeeyay sida furista dastuurka, in ay yihiin dano isaga u gaar ah oo aan loogu adeegayn shacabka reer Puntland.

Waxay sheegeen inay kalsooni buuxa ku qabaan in maxkamadda dastuurka ay si caddaalad ah uga jawaabi doonto eedda ay maanta u gudbiyeen, taasoo ku soo beegantay xilli maalmaha soo socda la filayo in dastuurka Puntland wax laga beddelo.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, waxay Madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu miiska wadahadalka yimaado, si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada. Waxayse ka digeen in madaxweynuhu dhegaha ka furaysto baaqyada ay soo saaraan dadka indheer garadka ah.