Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh doonayo muddo-kororsi

Muqdisho (Aftahannews)- Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ayna u qorshaysnayn in ay muddo kordhin sameysato, taas beddelkeedna ay doonayso in la mideeyo doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Agaasimaha madaxtooyada oo u warramayay laanta BBC Somali, ayaa sheegay, qorshaha muddo xileedka hay’addaha dastuuriga ah looga dhigayo 5 sano, uu yahay qorshe loogu talo galay dowladda ka dambeysa dowladda hadda jirta.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo baarlamaankiisa mandate-kooda waa afar sano. Afartaas sano ayay dhameysanayaan. Ku darsasho dhanka federalka ah ma jirto. Haddii 5 sano laga dhigana, waxay ka bilaabanaysaa Dowladda soo socota,” ayuu yidhi Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay dhegaysato cid kasta oo aragti ka qabta heshiiska qaab dhismeedka doorashooyinka, isagoo sheegay madaxweynuhu inay ka go’an tahay inuu Soomaaliya ku maamulo wadatashi iyo isqancin.

Wuxuu sheegay talooyinka kasoo baxa wadatashiga uu haatan Madaxweynuhu la leeyahay madaxdii hore ee Soomaaliya, in ay ku soo dhamaan doonaan in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.