Midowga Africa iyo UNECA oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ethiopia.

Midowga Africa iyo UNECA oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ethiopia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo dedaal xoogan isugu geeyey dar-dar gelinta arrimaha diplomaasiyadeed ee loo igmaday ee uu ka hayo dalkaasi Ethiopia ayaa warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Midowga Africa iyo UNECA oo fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Guddoomiyaha Midowga Africa H.E Moussa Faki iyo guddoomiyaha UNECA H.E Antonio Pedro ayaa siyaabo kala duwan oo hab-maamuuskoodu sarreeyo xafiisyadooda ugu soo dhoweeyey Ambassador Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta Safaaradda, iyagoo si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Warfaa ayaa labada xafiis la wadaagay sida ay Dawladda Soomaaliya ugu diyaar garowday adkaynta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hay’adaha iyo ururada caalamiga ah, isagoo ku adkeeyey inay kor u qaadaan taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Dawladnimada Soomaaliya.

H.E Moussa Faki iyo H.E Antonio Pedro ayaa Safiir Warfaa iyo Diplomaasiyiinta safaaradda JFS ee Addis Ababa ku bigaadiyay sida masuuliyaddu ku dheehan tahay ee ay u dar-dargeliyeen mas’uuliyadda Diplomaasiyadeed ee ay Dawladda Soomaaliya uga hayaan dalka Ethiopia.

Ambassador Wafaa isagoo ka duulaya gudashada waajibaadkiisa wuxuu goor walba wada tashi iyo wada shaqayn mug weyn la leeyahay diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia, waxaana Safiirka kulamadan kala duwan kala qayb galay La taliyaha Siyaasadda
Maryam Maxamed Cabdullaahi iyo Xoghayaha koowaad Mohamed Abdirahman Omar ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia.