Baaarlamaanka Ingiriiska oo ogolaaday Mashruuc-Sharciga Aqoonsiga Somaliland – W/Q: Xuseen Cali Nuur

Suxufi Xuseen Cali Nuur

Guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska (House of Commons) ayaa oggolaaday mooshinka ku saabsan aqoonsiga Somaliland, in laga doodo bisha November ee sannadkan ee 2023-ka.
Mooshinkan waxa soo jeediyey Mudane Gavin Willison oo taageera qaddiyada Somaliland, waxaana ku wehelinayey 32 mudane oo kale.
Mudanayaasha taageera qaddiyada Somaliland oo ah aqoonsiga xornimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bilaabeen halgankooda iyo dedaalkooda dhawr iyo labaatan sannadood ka hor. Dadkii bilaabayna waxa ka mid ahaa Mudane Alun Micheal (Aalan Maykal). Wuxuuna maanta taageerayaasha dedaalkoodu uu marayaa heerkii ugu sareeyey markii Julay afarteedii oo shalay ahayd ay ku guulaysteen in baarlamaanka Ingiriisku oggolaado inuu ka doodo Mashruuc sharciga aqoonsiga Somaliland.

Guushan waxa la gaadhay kaddib dedaal dheer ay u galeen xukuumadda Somaliland, Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda, gaar ahaanna kuwa ku nool dalka Ingiriiska, aqoonyahanno iyo muwaadiniin ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa.
Indhaha caalamka waxa gaar ahaan soo jiitay, muujiyeyna in Somaliland ay tahay dal xor ah dabaal degyadii 18 May ee sannad guuradii 32aad ee la soo noqoshada xornimo iyo sannad guuradii 63aad oo la xusay 26kii Juun. Dabaal degyadaa iyo xafladaha oo daafaha dunida ka dhacay ayaa qayb ka ah oggolaashaha doodda.

Mudane Gavin Willianson mooshinka uu jeediyey, lana oggolaaday wuxuu ku caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland buuxisay dhammaan shuruudaha Qaran looga bahan yahay. Hase ahaatee muddo badan bulshada caalamku ay iska indho tiraysay. Wuxuuna sheegay in dawladda Ingiriisku ay ka mid tahay kuwa indhaha ka qabsanayey, balse maanta loo baahan yahay inay geesiyaal noqdaan oo Somaliland la aqoonsado.

“Xukuumadda Ingiriisku waxa ay ka maagaysaa inay qaado tallaabada ku habboon. Hase ahaatee baarlamaan ahaan waxa loo baahan yahay in Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah, shuruuc leh, doorashooyin qabta, wiil iyo gabdho u siman yihiin waxbarashada iyo xuquuqda loo baahan yahay inaan baarlamaan ahaan tixgalino oo aqoonsigoodii bilowno” ayuu yidhi

Mudanuhu isagoo ka hadlaya xidhiidhka UK iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya wuxuu tilmaamay inuu dhawr qarni soo jiray, wanaagsan yahay isla mar ahaantaa ciidamada Somaliland ay ka qaybgaleen difaaca dalka boqortooyada Ingriiska. Maantana loo baahan yahay in la aqoonsado.

Gavin Willianson oo ahaan jiray Wasiirka Difaaca dalka Ingriiska wuxuu hore u soo booqday magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeisa oo waraysi uu siiyey todobaadkan wakaladda AP u sheegay in Soomaaliya tahay dal fowdo ah, sharci lahayn oo aan deggenayn halka ay Hargeisa tahay mid nabad ah oo sidaad doontid aad u dhexmari kartid.
Mudanuhu mooshinkii uu ka jeediyey baarlamaanka wuxuu ku amaanay xukuumadda Ingiriisku maalgalinta ay ku samaysay dekeda Berbera iyo wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale. Waxaanu sheegay in maalgalintaasi ay tahay mid la siiyey dal tubtii horumarka haya, waxaanu ku taliyey in aqoonsiga JSL kaalmo u noqon doono 5.7 Milyan qof oo ku nool dalka xidhiidhka Wanaagsan innaga dhexeeyo.
“Somaliland oo difaacda xornimada iyo dimuqraadiyada iyo dhammaan waxa aannu aaminsanahay waxa ay Afrika u tahay tusaale wanaagsan oo lagu daydo sidaa daraadeed waa in qaddiyada xornimadooda baarlaamanku uga doodo”
Waxaan lee yahay mar haddii Jamhuuriyadda Somaliland loo qirayo inay tahay dal xor ah balse aan la aqoonsanayn, dimuqraadi ah, doorashooyin ka dhacaan, sharci leh, degen , sinaani n aka jirto waxa nalooga baahan yahay:-
– Midnimadeena inaan xoojino.
– Dedaalka raadinta xoriyadeena in la kordhiyo
– Shuruucda dalka in la xormeeyo laguna dhaqmo
– In la iska ilaaliyo wax kasta oo hagardaamo iyo carqalad ku noqon kara aqoonsigeena.
(Allahayow taaday tahaye waxaan tabayno noo tusmee).