Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Faransiiska oo booqasho ku yimi Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland si weyn loogu soo dhaweeyay Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska.

Xildhibaankan ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland.

Socdaalka Xildhibaanka ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa ku wehelinayay Safiirka dalka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho iyo Xildhibaan Saalax Ismaaciil Diiriye oo ka kala tirsan goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay Xildhibaankan ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska, uu ka mid yahay Saaxiibada Somaliland, islamarkaana ay hore ugu wada kulmeen dalka Faransiiska.

Waxaana ay sheegeen inta uu Xildhibaankani dalka Somaliland joogo uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono Madaxweynaha dalka Somaliland, Golaha Wasiirada iyo Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska oo qayb ka ahaa wefdiga Xildhibaanka, ayaa isna dhankiisa sheegay inuu Xildhibaanka ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska uga mahadnaqayo booqashada uu ku yimid dalka Somaliland.

Xildhibaankan ka tirsan aqalka sare ee dalka Faransiiska, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta ay u sameeyeen Xildhibaanada ka kala tirsan goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya Somaliland.

Waxaana uu sheegay in ay booqashadiisani ay tahay tii ugu horeysay ee uu ku yimaado dalka Somaliland, isagoona sheegay inuu kulamo casuumado iyo balamo ah la leeyahay madaxda Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Muuse Biixi, Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Xildhibaanka, ayaa waxaa uu sheegay in kulamadaasi uu la leeyahay Madaxda Somaliland ay kaga wadahadli doonaan arrimo door ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo arrimo kale oo lagu xoojinayo xidhiidhada Somaliland iyo Faransiiska.

Hoos ka daawo muuqaalka warka