Maxkamad ku taal Kenya oo lacag malaayiin ah ku xukuntay Soomaaliya

Nairobi (Aftahannews)- Sarkaal ka tirsan Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag malaayiin ah oo maxkamad ku taal dalka Kenya ay ku xukuntay Soomaaliya.

Xukunka, ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga.

Maxkamadda, ayaa dhegeysanaysay dacwad ay shirkad ganacsiga oo dhismaha ka shaqeysa ka gudbisay Soomaaliya.

Shirkaddan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah, ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay kaga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi.

Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa sheegay in ayna jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xukun lagu riday midna.

Waxaa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in ayna jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacwaysa, isaga oo xusay in ayna jirin wax xukun ah oo lala socodsiiyay iyo lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan.

Maxkamadda, ayaa shirkadda dhismaha ka shaqeysa u xukmisay in lacag dhan Sh23m ay ka dalban karto dowladda Soomaaliya.

Maxay shirkaddu ku eedeysay Soomaaliya?

Shirkaddan, ayaa sanadkii 2019 safaaradda Soomaaliya ee Kenya ku soo oogtay dacwad ka dhan ah jebinta qandaraas ku aaddan dayactirka safaaradda, oo ay wada galeen toddoba sano kahor.

Xaakimka Alfred Mabeya, ayaa u oggolaaday shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited in lacag dhan Sh23m,493,003 ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Markii uu xukunkan dhacayay dowladda Soomaaliya kuma ayna sugneyn maxkamadda, iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in inkastoo loo diray waraaqaha maxkamadda haddana dowladda Soomaaliya ay ku guul darreysatay inay goobjoog ka ahaato xukunka.

Shirkaddan dhismaha, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qandaraaska dayactirka safaaraddeeda Nairobi la gashay sanadkii 2016.

Qiimaha dayactirka, ayaa markaas ku kacayay lacag dhan Sh53.5m, sida ay sheegtay shirkaddu.

Shirkadda Kingsley, ayaa sheegtay in heshiiskan qeyb ka mid ah ay qornayd, halka qaybta kalena ay ahayd heshiis afka ah.

Waxay shirkaddu maxkamadda u sheegtay in safaaraddu ay jebisay heshiiska una diidday shaqaalaha shirkadda inay bilaabaan mashruuca iyo inay bixiso lacagtii hadhsanayd oo Sh23.4 milyan ahayd.

Shirkadda, ayaa sheegtay in safaaradda Soomaaliya ay qandaraaska ka baxday iyadoo aan wax ogaysiis ah bixin.

Kingsley, ayaa sheegtay in bishii November ee sanadkii 2021 ay waraaqaha maxkamadda ay dowladda Soomaaliya ugu dirtay shirkadda DHL.

Xaakim Mabeya, ayaa sheegay in markii maxkamaddu aragtay caddeynta iyo risiidka ay warqadda ku dirtay shirkadda ay u xukmisay in lacagta ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya, ayaa looga baahnaa xilligaas inay 14 maalmood gudahood kaga jawaabto warqadda maxkamadda, sida uu xaakimku sheegay.

Shirkaddan dhismaha, ayaa markii hore dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya, bishii July sanadkii 2020, balse waxaa loo sheegay in safaarad aan la dacweyn karin.

Maxkamadda, ayaa shirkadda u sheegtay inay dacweyn karto dowladda Soomaaliya, balse ayna u furnayn inay dacwayso safaaradda.

Shirkadda Kingsley, ayaa kaddib wax ka beddeshay dacwaddeeda, iyadoo dacwaddeeda ku soo oogtay dowladda Soomaaliya.