Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka degtay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaadhay Ergayga cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Catriona Laing oo dhawaan uu magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa ah diblumaasiyad sare, waxaana xilkan oo loo magacaabay bishii la soo dhaafay afarteedii ay kala wareegeysa Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo isna u dhashay dalka Mareykanka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed” ayay tidhi Catriona Laing.

Gabagabadii Catriona Laing, ayaa dhawaan u gudbin doonta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud warqadaheeda danjirenimo, waxayna si weyn uga mahad celisay soo dhaweynta balaadhan ee Maanta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.