Ciidankii ugu badnaa ee ku biira Booliska Somaliland oo Tababar loo furay

Hargeysa (Aftahannews)- Afar boqol iyo sideed Layli Dable ah oo ka mid noqon doona Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar looga furay dugsiga Tababarka Lixle ee Ciidanka Booliska ee Mandheera.

Ciidanka loo furay tababarka, ayaa noqonaya dufcadii sideed iyo sodonaad ee ciidanka booliska ka tirsan ee sidan oo kale tababar loogu furo.

Dufcadan oo ka kooban afar boqol iyo sideed Layli Dable, ayaa dugsigaasi mudada ay ku jiraan ku qaadan doona Casharada iyo tabaha kala duwan ee Ciidanka booliska JSL ku shaqeeyo.

Tababarkan waxa furay hoggaanka hawlgelinta ciidanka booliska JSL, sarreeya guuto Ibraahim Cabdi Xaaji iyo hoggaanka tababarka gaashaale sarre  Khadar Jaamac Cilmi iyo taliyaha Dugsiga Jaamac Ibraahim Aadan, waxayna dhamaantood kula dardaarmeen Ciidankaasi cusub in ay weeleeyaan casharada la baraayo si ay hadhow shacbiga ugu shaqeeyaan sida ugu habboon.

Waxaaney sheegeen in ay yihiin dhallinyaro la filayo in ay dhiig cusub ku biiriyaan shaqada ciidanka booliska iyo adeega bulshada loo hayo, waxaanay xuseen in taladii dugsiga Mandheera lagu geeyay uu laha taliyaha ciidanka booliska JSL, waxaanay ku adkeeyeen in qorshaha ciidanimo sidiisa ay uga soo baxaan.

Sidoo kale waxa ay ciidanka ku wargeliyeen in mudada ay dugsiga tababarada ciidanka Booliska Somaliland ee Mandheera ay ku jiraan, lagu bari doona dhammaan shaqada ciidanka booliska, difaaca dalka iyo haddii ay dagaal noqoto qaabka loogalayo, waxaanay intaas raaciyeen in ay u dheer tahay, nidaanka ka hortaga iyo la dagaalka danbiyada, ilaalinta dhaqaalaha dalka, ka hortaga iyo ladagaalka koontarabaanka, ilaalinta bad iyo bariba, ilaalinta xidhiidhka wanaagsan ee bulshada. iyo shuruucda booliska.