Mareykanka oo Cunaqabateyn ku soo rogaya Shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta Colaadda Laascaanood

Washington (aftahannews)- Safiirka xilka ka sii tegaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda magaalada Laascaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo, waa haddii ay sii wadaan ficiladooda.

Danjire Larry André oo waraysi siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in Mareykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

Colaadda Laascaanood, ayaa socotay tan horraantii bishii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Safiir André oo ka jawaabaya su’aal ay BBC weydiisay oo ay ahayd doorkooda ah in la joojiyo colaadda Laascaanood ayaa yidhi:

“Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaadhsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laascaanood iyo Garoowe.”

Safiirka oo la weydiiyay waxaa uu xukuumadda Somaliland uu kala hadalay ayaa ku jawaabay:

“Waan wadahadalnay, waxaana arrintaas oo soo dhigay baraha bulshada. Waxaan u sheegay inta aan goor dhaweyd kuu sheegay oo ah in aan u baahannahay in la joojiyo colaadda, dhinacyadu ay joojiyaan rasaasta ay is weydaarsanayaan, in arrimaha u dhexeeya dhinacyada lagu xalliyo wadahadal iyo in dadka dhibaataysan la gaadhsiiyo gargaar bani’aadannimo dhinac kasta oo uu uga iman karaba.“

Safiirka, ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aal ahayd arriimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen isaga Madaxweyne Biixi, wuxuuna ku jawaabay:

“Biixi si qoto dheer ayaan u wadahalnay, kadibna waxaan soo dhigay baraha bulshada.

Haddii aan caado ka dhigto in aan si shaac baxsan uga warramo waxyaabaha aan sida hoose ugala hadlo hoggaamiyeyaasha, taasi waxay dhalin doontaa in aanay hoggaamiyeyaashu mar dambe ila hadlin. Arrin kale oo aan kala hadlay ayaa ah in doorashada Madaxtooyada Somaliland ay aad dib ugu dhacday, arrintaas oo kalena ay caqabad ku noqotay qeybaha kale ee Soomaaliya oo maamulkii hore uu xafiiska joogay wax ka badan muddo xileedkiisa, taasina ay horseedaysa xassilloni darro ba’an.”

Waxa ay shacabka Soomaalida doonayaan in ay ogaadaan ayaa ah waxa aad isla meel dhigteen adiga oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland si xal looga gaadho colaadda magaalada Laasacaanood? Danjire André oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa yidhi:

“Waxaa weli socda wadahadalka u dhexeeya Mareykanka, saaxiibbada kale ee caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya ee Muqdisho ee ku aaddan arrinta Laasacaanood. Waxaa arrinta qeyb ka ah Madax-dhaqameed ay dirtay dowladda Muqdisho oo la kulmay dhiggooda iyo hoggaanka Hargeysa. Xogta wadahalladaas ayaa la shaacin doonaa marka ay dhinacyada heshiis gaadhaan.”

Dagaalka laascaanood oo sababay khasaare naf iyo maalba leh ayaa socda isagoon wax xal ah laga gaadhin. Haddaba danjiraha goorma ayuu filayaa in uu soo afjarmo dagaalka Laascaanood?

“Waxaan aragnay marar uu dagaalka qaboobay, iyo marar uu si xooggan u dhacay. Arrimaha la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah Somaliland ay ciidamadeeda ka durkiso aaggaas kuwa Laasacaanood na ay joojiyaan weerarrada mise in marka hore ay xooggaga Laasacaanood joojiyaan weerarrada kadibna ay Somaliland la baxdo ciidamadeeda ugu yaraan qeyb ahaan. Waxaan rumaysannahay in dagaalka aanu cidna dan u ahayn, dan uma aha dadka Sool, dan uma aha Xukuumadda Somaliland.”

Ma jiraan dedaallo ay dhankooda ah oo ay ku doonaysaan in dhinacyada ay isku soo hor fadhiistaan oo ay wadahadlaan?

“Waxaan ognahay in saaxiibbadeen Itoobiya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gogol nabadeed u fidiyeen dhinacyada dagaallamaya. Anaga iyo saaxiibaddeen caalamka waxaan dhinacyada ugu baaqnay in ay ka faa’iidaystaan fursadahaas,” ayuu yidhi safiirka xilka ka sii tegaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André.

Tallaabo nooce ah ayay ka qaadanayaan ciddii ay u arkaan in ay colaadda Laascaanood sii hurinaysa?

“Si cad ayaan u sheegnay halka aan ka taagannahay dagaalkaas. Wadahadalkii aan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada labaduba waxaan ku sheegay in sii socoshada dagaalka ay ka dhalan karaan cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah. Go’aannada noocaas ah waxaa gaadha mas’uuliyiin sare oo ku sugan Washington, xidhiidh joogta ah ayaana la leenahay oo ku aaddan xaaladda. Marka la gaadho go’aannadaas, lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabateynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadnay tallaabadaas oo ah mid aan jeclayn balse laga fursan waayay.”

“Waxaan cunaqabateynta soo rognaa marka tallaabooyinka dhinacyada ay ka dhashaan arrimo si toos ah uga hor-imanaya danaha aan ka leenahay Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo guul gaadha, isla markaana si buuxda dib ugu soo kabatay.”