Wasiir Kaahin muxuu ka yidhi heshiiska nabadeed ee Beelaha wada-dega gobolka Togdheer?

Burco (aftahannews)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay wada gaadheen laba beelood oo wada dega gobolka Togdheer oo dhawaan xurguf colaadeed ay dhex martay.

Waxaanu sheegay wasiirku in walaalnimadda, iyo wada noolaanshaha bulshadda deegaan wada degtaa ay wax walba ka muhiimsan tahay.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in Laf-dhabarta nolosha bini’aadamka ay lagama maar-maan u tahay inta bulshadda meel wada degtaa ay nabad ku wada noolaadaan.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal shalay lagu dhaarinayay odaayasha, iyo waxgaradka laba beelood oo dhawaan shaqaaqo ku dhexmartay degaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer.

Madasha lagu dhaariyay odayaasha beelahaasi oo ka dhacday magaaladda Burco, waxa kaloo goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaano, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabad ku wada noolaanshaha bulsho kastoo deegaan ku wada ku wada nool.

Waxaanu sheegay in dadka meel wada degaa ay wadaagaan waxyaabo fara badan oo noloshoodda ah, isla markaana ay lagama-maar-maan tahay in ay nabadku wada noolaadaan.

“Siyaasadda waynu ku kala duwan nahay, balse nabad geliyadda, iyo wada noolaan sha ha waa in aynaan ku kala duwanaanin. Laf-dhabarta nolosha bini’aadamka waxaa lagama-maar-maan u ah in bulshadda meel wada degta. Waayo? noloshu waa deegaanka” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa bogaadiyay kaalintii ay xalinta colaadaasi ka qaateen golaha deegaanka Burco, odayaasha labada beelood, iyo sidoo kale waxgaradka beelaha kale ee dega gobolks Togdheer.

“Odayaasha labada beelood ee xurguftu dhexmratay, golaha deegaanka Burco, ee la doortay, iyo maayarkoodda, beelaha gobolka Togdheer, wada dega ee aan ahayn beelaha dirirtu dhex martay, iyagu na dedaal aad u badan ayay sameeyeen, waanan u mahad celinaynaa.

Waxa kaloo aanu u mahad naqaynaa culimadda gobolka Togdheer, iyo kuwa kale ee goboladda kale ka yimid” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Geesta kale wasiirka Arrimaha Gudaha ka warbixiyay sida ay xukuumad ahaan uga go’an tahay iyo kaalinta ay xukuumad ahaan ka qaateen xalinta shaqaaqadaasi.

Taas oo uu hormood ka ahaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu dhawaan magaaladda Burco, ku tegay safar gaaban halkaasoo uu kulamo kula yeeshay waxgaradka, iyo odayaasha beelaha dirirtu u dhaxaysay.