Colaadii ka Taagnayd Degaanka Cali Saahid ee Gobolka Togdheer oo la soo afjaray

Burco (aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa soo afjartay Colaadii ka taagnayd degaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer, taas oo u dhexaysay Beelaha walaalaha ah ee degaankaas wada dega.

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa shalay lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu soo xidhayo nabadeynta beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

Kulan kaasi, ayaa lagu Dhaariyay 50 xubnood oo ka kala socda Beelihii shaqaaqadu ku dhexmartay Degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

Dhawaan ayay ahayd markii shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay ay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer ay ku dhexmartay beelo walaalo ah, waxaana dhacdadaa kadib   deegaanka shaqaaqadaasi ka dhacday gaadhay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda xisbiyada mucaaridka,   salaadiin, cuqaal, culimo awdiin, aqoon-yahan iyo waxgarad iyo xildhibaano ka socda labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee walaalaha ah.

Haddaba waxa shalay magaalada Burco lagu qabtay kulan lagu soo afjarayo colaada beelahaasi walaalaha ah,  waxaana la dhex dhigay qodobada heshiiska labada dhinac in ay saxeexaan, waxaana dhinackasta laga dhaariyay 25 xubnood .

Toddobaadkii u danbeeyay waxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka socday dadaalo lagu soo afjarayo shaqaaqada beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

Ergadii kala duwan ee u fadhiday xalinta shaqaaqada labada beelood ee ku diriray degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer, ayaa shalay ku guulaystay soo afjarida shaqaaqadaasi.