Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska oo ka Wadahadlay xalka Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka cusub ee Dalka Ingiriiska Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Arbacada ee shalay.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan gudihiisa ay u daah-furi lahaayeen mashaariicda labada dawladood iska kaashadeen ee Berbera Corridor iyo horumarinta dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxa shirka lagu lafo-guray mashaariicdii hore u socday ee la xidhiidhay arrimaha bulshada ee dawladda Ingiirisku ka taageeri jirtay Somaliland in la sii dardar-geliyo kuwii socday iyo kuwa cusubba. waxa kale oo laga  wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, waxaanu madaxweynuhu u sheegay safiirka inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha.

Dhinaca kale, waxa kulanka lagaga hadlay arrinta Dagaalka Laascaanood sidii xal loogu heli lahaa, waxaanu madaxweynuhu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda xabbad-joojin, diyaarna ay dawladdu u tahay nabad.

madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey masuuliyiin kale oo ka socday xafiiska horumarinta Uk ee Somaliland.