Guushaada iyo Guusha Cadawga Kala Garo – W/Q: Xildhibaan Mideeye

  • kale, dad mudankii bulshada ahaa oo badankoodu dawlada Somaliland xilal u hayeen ama taageersanaayeen oo muddo dheer si qarsoodiya oo qorshaysan loogu laynayay magaalada Laas-Caanood ayaa looga dhigay inay dawlada Somaliland dadka si hoose u laysay sidaasaana dadweynihii laga dhaadhiciyay oo lagu kiciyay inay gadoodaan.
  • Kooxaha Laas-Caanood iyo gobolka Sool ka dagaalamaya ee ciidamada qaranka Somaliland weerarada isdabajooga ah haya waxaa ka mid ah;
  • a) maleeshiyaad degaanka ka soo jeeda oo barnaamij qaldan laga dhaadhiciyay, la abaabulay, lana hubeeyay,
  •  b) kooxo xagjir ah oo fursadi u muuqatay,
  • c) ciidamo lagu soo tababaray wadamada Eritrea, Turkey iyo Qadar oo Farmaajo iyo kooxdiisu soo diyaariyeen,
  •  d) ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland oo horeba ugu doodaysay in gobolada SSC iyagu qabiil ahaan u leeyihiin,
  • e) ciidamo qabiilaysan oo ka kala yimi EthiopiaSomalia iyo Kenya kuwaasoo lagu qalday inay dagaalka beelo isku hayaan sidaa darteedna magaca DAAROOD ugu hiilinaya walaaalahood Dhulbahante oo ka ridaya qabiil la yidhaa ISAAQ oo loogu sheegay inay Dhulbahante gumaystaan dhulkoodana xoog ku haystaan.

Waa been cad oo run looga dhigay

Cadawga Somaliland maaha Dadweynaha reer Sool, maaha Dhulbahante, maaha beelo iyo abtirsiin gaara, maaha mucaaridka gudaha Somaliland ee xukuumada dhaliila. Cadawga Somaliland waa Kooxda Farmaajo iyo dawlada China oo colaadan soo abaabulay dabadana ka riixaya. Cadawga Somaliland waa cid kasta oo Laas-Caanood dibada kaga soo duushay oo colaada ka qaybgashay sida; kooxaha argagixisada Alshabab, kooxaha beelaysan ama qabiilaysan ee sida qaldan iyo hiilka qaawan ee qabyaaladeed dagaalka ku soo galay. Cadawga Somaliland waa cid kasta oo diiddan nabadda iyo wadahadalka sida; Garaadada iyo guddiga 33-ka ah ee colaada horkacaya iyo cid kasta oo fitna abuurka iyo colaada ku taageeraysa hadii ay dibeda ka yimaadeen iyo hadii ay reer Somaliland yihiinba. Cadawga Somaliland waa cid kasta oo ka shaqaynaysa kala qaybinta iyo kala qoqobka bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland hadii ay dibeda kaga yimaadeen iyo hadii ay gudaheena yihiinba.

Dadkaygow weli ma ila socotaan …. hadda wax ma idiin baxeen …. ma fahamteen dulucda sheekada dagaalka iyo sida wax u socdaan ….

 

 

Qorshaha isbahaysiga China iyo kooxda Farmaajo waxa kale oo ka mid ah in bulshada reer Somaliland la kala jajabiyo la iskana horkeeno iyadoo magacyo qabiil lagu kala saarayo isla markaana loo buunbuuninayo khilaafyada siyaasadeed ee ka dhexeeya xisbiyada mucaaridka ah iyo Xukuumada si wadajirka bulshada iyo awooda midnimada qaranka loo daciifiyo.

Hadaba, Dadkaygow guusha cadawga garanay oo waa in qorshahoodu u hirgalo oo midnimada, wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland la baabiiyo.

Markaa guusheenu waa maxay?

Guusha Qaranku waa in aan cadawga qorshihiisu u hirgelin oo midnimada, wadajirka iyo qaranimada Somaliland quwad yeelato, riyada shacabkuna rumowdo.

Hadaba, dadkayga reer  Somaliland-oow si aynu u gaadhno guusheena waa in aan dhamaanteen rag iyo dumar, dhallinyar iyo waayeel, beelo iyo ururro, shacbi iyo dawlad, xukuumad iyo xisbiyo, mucaarid iyo muxaafid iyo qof kasta caqli iyo garaad ku jiro waa in aynu mid qudha noqonaa, dhan u wada jeesanaa, gacmaha isqabsanaa oo DIFAACA QARANKA isku kaashanaa.

Dadkaygow, ma kala maarano waayo, doon baynu wada saaranahay oo ama waynu wada degi ama waynu wada bedbaadaynaa.

Garawso midhkaa muwaadin oo maanta u hiili qarankaaga