Labbiska Diblumaasiyadda – Waxa Qoray Kamaal Marjaan

Marka la eego anshaxa diblumaasiyadda, macne weyn ayaa ku jira qaabka labbiska masuulka, salaanta, fadhiga, sara-joogga iyo xarakaadka xubnaha jidhka iwm. waana sababta kulamada muhiimka ah masuulka loogu sheego hab labbiska kulankaasi leeyahay. Qormadani arrintaas ayaa ay u tahay tusaale kooban.

Diblumaasiyadda iyo baratakoolka midowga Yurub ayaa masuuliyiintooda tegeya dalka Ukraine waxa ay uga digeen, in ay u labbistaan qaab aan rasmi ahayn iyo midabbada qaarkood in ay xidhaan.

Masuuliyiinta Midowga Yurub iyo in badan oo ka mid ah dalalka kale ee booqanaya Ukraine, waxaa loo sheegay in ay xidhaan dhar la mid ah labbiska rasmiga ah ee ay xidhaan marka ay dalalka shisheeye booqanayaan, waxa kale oo la faray in ay ka dheeraadaan midabka cagaarka rasiinka ah (Akhtar) iyo midabka kaakiga, iyo guud ahaan midabbo muujinaya dirays ciidan ama dhar u eeg labbiska uu madaxweynaha Ukraine caadada ka dhigtay muddadii dagaalku socday.

Reer galbeedku waxa uu doonayaa in uu hab diblumaasiyadeed ku sheego in si kasta oo uu Ukraine kaalmo milateri iyo mid maaliyadeed ba uga siinayo dagaalkan, haddana aanu doonayn in laga fahmo in cudud ciidan uu kaga barbar dagaalami doono.

Xidhashada labbiska rasmiga ah ayaa sida oo kale lagu qasbay shaqaalaha xilalka sare ka haya midowga Yurub. Caadi ahaan hawlwadeennada Midowgan iyo xitaa dawladaha iyo ururrada dawladuhu ku midaysan yihiin ayaa caado u leh, in labbiskoodu aanu mid rasmi ah noqon marka ay joogaan dalal ka mid ah ururka ay ka shaqaynayaan, halka marka dal ka baxsan ay tegeyaan laga rabo in ay si rasmi ah u labbistaan.

Tallaabadan labbiska shaqaalaha lagu xakamaynayo ayaa looga jeedaa, in aan la filanin in Ukraine midowga Yurub loogu daro si gaar ah oo ka dhaqso badan sida dawladaha kale ee dalbada xubinnimada, ama in shuruudaha ku xidhan qaarkood laga dhaafayo. Labbiska rasmiga ah ee hawlwadeennada Midowga Yurub ayaa lagu muujinayaa in weli shaqo badani hadhsantahay.

Dhinaca kalana waxaa masuuliyiinta reer Yurub loo sheegay in aanay safarkan u qaadan shandadaha safarka ee quruxda badan, iyo in cuntada loo diyaarinayo muddada ay joogaan Ukraine ay tahay mid aad uga hoosaysa tii ay hore uga barteen xarunta midowga Yurub ee dalka Beljam. Arrintan ayaa iyaduna ah hab diblumaasiyadeed oo la doonayo in dadka reer Ukraine iyo dunidaba kalaba loogu muujinayo in lala qaybsanayo rafaadka iyo cunto xumada.

Kamaal Marjaan.