Garaadada Gobolka Sool oo aqbalay Xabbad-joojinta Colaada Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)- Afhyeenka guddiga 33-da xubnood ah ee aayo ka tashiga Beelaha Dhulbahante, Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug, ayaa sheegay in ay aqbleen dhankooda xabad joojinta colaada Laascaanood, si colaadda nabad loogu beddelo. 
Afhayeenka oo u waramay Idaacada BBC-da, ayaa waxaa uu ka warbixinayay dhex-dhexaadinta Itoobiya ka waddo dagaalka Laascaanood.
Odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, ayuu sheegay in wefdiga Itoobiya ay ka ballan qaadeen in ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad joojinta. 
Wuxuu sheegay in madax dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda. 
Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug, ayaa intaa raaciyay “Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”.