Baarlamaanka Jabuuti oo Guddoomiye cusub doortay

Djibouti (Aftahannews)- Baarlamaanka cusub ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta.

Guddoomiyaha cusub, ayaa xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan dalkaasi ee baarlamaanka Jabuuti, ee isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Golaha Shacabka Jabuuti, ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyey ee Kal-fadhiga 1-aad ee golaha.

Guddoomiye Dileyta, ayaa wuxuu hore u noqday Ra’iisal wasaaraha Jabuuti, intii u dhaxaysay 7-dii bishii March, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii March 31, ee sanaadkii 2013-kii.