Madax-dhaqameedka Togdheer oo Baaq Nabadeed iyo Gar-naqsi u diray Garaaddada Sool

Burco (Aftahannews)- Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo madaxda Dhaqanka ee Gobolka Togdheer, ayaa nabad iyo wada-hadal xukuumadda Dhexmara ugu baaqay Garaaddada horkacaya xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascanood ee Xarunta gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka oo warbaahinta la hadlay, waxa ay Garaaddada reer Laascaanood ugu baaqeen inay ayyidaan wada-hadalka iyo xabbad-joojinta lagu baaqay isla markaana wixii khilaaf ah ee jira wada-hadal lagu dhammeeyo.

Madax-dhaqameedkani waxa ay ku baaqeen in xiisadda dagaal ee jirta lagu dhammeystiro iyadoo la raaciyo hannaankii soo-jireenka nabadeynta ee dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha Somaliland.