Cirro oo ka hadlay Dagaalka Laascaanood, una digay Puntland

Guddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Aftahannews) – Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay duulaanka dagaal ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaaday gobolka Sool.

Cirro, ayaa waxaa uu Maamul Goboleeedka Soomaaliya ee Puntland ku eedeeyay duulaanka ay ku soo qaaday Somaliland, isagoona digniin culus u diray.

Sidoo kale, musharax Cirro, ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland Ku boggaadiyay inay iska difaaceen dulaanka maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dhanka kale waxaa uu ku baaqay in miiska wadahadalka lagu xaliyo colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxaa uu sheegay in loo bahanyahay in dadka la kala bad baadiyo, isaga oo xaalada ku tilmaamay kaa dhimay oo kugu dhimay, waxa uu dagaalka ku tilmaamay mid sokeeye, waxaanu sheegay in aan laba dhinac ishaynine umad mid ah la dhex dhigay colaada.

Garaadada gobolka Sool, ayuu ugu baaqay nabad iyo xabad joojin, madaxweynahana wuxuu u soo jeediyay in uu dhagaysto talooyinka waxtar ka leh ee waayeelka iyo waxgaradka, isla markaana uu ka fikiro sida ay u eekaan doonto Somaliland-ta uu ka tagayaa.