Xogta Diyaaradaha Milateriga Mareykanka ee ka degay Caynaba

Caynaba (Aftahannews) – Diyaarad nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Mareykanka (United States Air Force), ayaa waxaa ay ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Caynaba.

Diyaaradan oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa Khamiistii abbaaro 3-dii Galabnimo ka soo kacday Saldhigga Milateriga Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ee Camp Lemonnier.

Diyaaradda Milateriga Mareykanka, ayaa abbaaro 4-tii Galabnimo iyo Dheeraad Cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Caynaba oo ay fadhiday muddo ku dhow Hal Saac.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa ah nooca xamuulka, waxaana loogu talo-galay inay fadhiisato buuraha dushooda, bannaan, webi, Bad iyo meelo kale.

Muuqaal la baahiyay, ayaa waxaa uu muujinayay Duulimaadka wakhtiga ay diyaaraddu u kala socotay labada garoon diyaaradeed.

Lama oga ilaa iyo hada ujeeddada uu la xidhiidho safarka diyaaradda Milateriga Mareykanka ee magaalada Caynaba.

Hase yeeshee, Frank David, oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamada Cirka Mareykanka, wakiilna ka ah Madaxa Camp Lemonnier, ayaa sheegay in ay yihiin duulimaadkii 2aad ee Ciidamada Cirka Mareykanku ay ku yimaadeen Caynaba muddo ka yar 24 saacadood.

Sarkaalkan, ayaa waxaa uuu sheegay inay shir la qaateen saraakiisha Somaliland ee hoggaaminaysa dagaalka magaalada Laascaanood.

Diyaaradan Hercules C-130, waxaa sameeya shirkadda Mareykanka ah ee Lockheed Martin Corp oo xaruntooda ay tahay magaalada Bethesda ee gobolka Virginia.

Waxaana loogu talo galay u adeegidda ciidamada wakhtiyada dagaalka, oo macnaheeda ay tahay in Hercules-C-130 loogu talo galay oo kaliya dagaal.