Garaaddada Sool oo Shuruudo ku xidhay Dhaqangelinta Xabbad-joojinta

Laascaanood (Aftahannews)- Garaaddada gololka Sool oo maanta Shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood, ayaa shuruudo ku xidhay dhaqangelinta Xabad-joojinta ay xalay ku dhawaaqday  Xukuumadda Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirkoodu, ayaa sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Somaliland.

Garaadka, ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin ay ka bixiyaan inay argagixiso ku tilmaamaan.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku cabudhineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yidhi.

Garaad Jaamac, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

“Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaadhayaan.”.

Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, iyada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal loogu gaadho miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynaynaa sidaas si lamid ah,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyadoo ka tacsiyadaysay dadkii ku naf waayey dagaalka.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filaynaa inay go’aamadan kuwa lamid ah qaataan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”