Booliska Somaliland oo soo Bandhigay Natiijada Cilmi-baadhis hor leh

Hargeysa (Aftahannews)- Taliska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta soo bandhigay cilmi-baadhis lagu sameeyay sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya booliska iyo bulshadda.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khuburro ka tirsan ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta lagu soo bandhigey taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaana goob joog ka ahaa soo bandhigista cilmi-baadhistan la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta booliska iyo bulshada.

Maadama oo boolisku uu yahay saaxiibka dadweynaha, isla markaana uu ka masuul yahay ilaalinta amaanka bulshadda.

Taliye Dabagale, oo halkaa ka hadlay ayaa ku amaanay khuburadii loo xulay cilmi-baadhistan sida kartida iyo hufnaanta leh ee ay uga soo baxeen.

Khuburada cilmibaadhistan sameysay ee saaka soo bandhigtay waxa ay sheegeen in la islaqaatay sidii uu xidhiidhka bulshada iyo boolisku u noqon lahaa mid laga midha dhaliyo, isla markaana masuul kastana uu doorkiisa qayb muuqata uga qaadanlahaa.

Geesta kale, waxa cilmibaadhistan lagu gorfeeyay in la dardargeliyo shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshada loogu qabto saldhigyada, iyo in la helo nidaam isla xisaabtan shaqo oo lagu abaal-mariyo saldhigyada kaalmaha hore ka gala diyaarinta nidaam isla xisaabtan qoran, diyaarinta habka qiimaynta ee masuuliyiinta shaqada haya lagu qiimeey.