Dooni Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo ku Degtay Marinka Baabul-Mandab

Berbera (Aftahannews)- Dooni siday xoolo badan oo ka soo ambabaxday Dekedda Berbera, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku degtay marinka Bab-El-Mandeb.

Doonta degtay oo lagu magacaabo ‘SK Marwah’ oo habeen hore xoolo ka qaaday Dekedda Berbera, ayaa ku wajahnayd dalka Yemen, iyadoona u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah.

Waxaana la sheegay in Doontu qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1,780 Neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi, waxaana saarna shaqaale tiradooda lagu sheegay 10 iyo naakhuudihii doonta waday.

Sida uu sheegay Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, waxaa weli la la’yahay dhamaan shaqaalihii la socday doonta, isagoo aan tafaasiil dheeraad ah ka bixin waxa sababay shilkan.

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee xoolo tiro badan oo laga soo daabulay dekeda magaalada Berbera oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ahi ay ku qaraqmeen biyaha badda cas, waxaana jiray Doomo sidan oo kale u qarqamay.