Weerarkii Al-shabaab ee Xarunta Gobolka Banaadir oo la soo Afjaray

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in la soo af-jaray hawgalkii ka dhanka ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo weeraray xarunta Gobolka Banaadir.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay ciidamadu Dowladda Soomaaliya ay toogteen lix ka tirsanaa Al-Shabaab oo weerarkaas ku lug lahayd.

War saxaafadeedka, ayaa intaas ku daray in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay maleeshyaadkaasi ay lugaynayeen iyaga oo isku eekaysiinaya ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay u gaadhaan xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Weerarkan, ayaa ku bilwoday qarxyo waxana uu dhacay duhurnimadii maanta xilliga Muqdisho.

Ururuka Al-Shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Al-Shabab oo iyaguna war saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay inay dileen 34 qof oo iskugu jira mas’uuliyiin, shaqaale iyo askar.

Sheegashada Al-Shabaab ayaan weli si madaxbannana loo xaqiijin.