Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxka bedeshay Tacriifadaha ay ku soo rogto Qaadka yimaada dhulkeeda ee inta badan ka yimaada Itoobiya iyo Kenya.
![](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2023/01/QAADKA.jpg)
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay kordhisay Tacriifadda ay ka qaado Qaadka Itoobiya, kaas oo markii hore ayaa SLSH 11000 1KG, Haddana laga dhigay 28000 SLSH.
![](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2023/01/5a7dff48de3e4_SacadCaliShire.jpg.5e73978a089d71f8d5c75ffbc354b5ed.jpg)
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, waxay go’aansatay inay hoos u dhigto Qiimaha Qaadka Kenya, kaas oo ahaa SLSH 38,000 1KG, Hadda waxaa laga dhigay 28,000 SLSH, taas oo ah mid lagu simayo Tacriifadaha laga qaado Labada Waddan.
![](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2023/01/qaad.jpg)
Waxaa jiray Cabasho ay Ganacsatada Qaadka Somaliland ka keeneen Itoobiya ay sheegeen inay ku kordhisay Cashuuraha laga qaado Qaadka loo dhoofiyo Somaliland.
![](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2022/12/IMG_20221222_151251_901.jpg)
Si mastaba, dowladda Somaliland, ayaa ilaa iyo hada si cad u sheegin sababaha ka dambeeya go’aankan.
![](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2023/01/IMG-20230122-WA0003.jpg)